4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 28, 2015
SAWIRRO: Munaasabad lagu Xusay Dhalashadii Nebigeenna (CSW) oo lagu Qabtay Johannesburg


Isniin, December 28, 2015 (HOL) — Munaasabad lagu Xusayay Dhalashadii Nebigeenna Muxamed (NNKH) ayaa Xalay lagu qabtay Xaafadda Mayfair oo ay ka dagto Soomaalidu Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Xuska oo si wadajir ah ay u soo qaban qaabiyay daladda culumada Ahlusunna waljamaaca iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika ee (Somali community board) ayaa waxaa ka qayb-galay culummaa'uddiin, aqoon-yahanno, dhallinyaro, waxgarad, haween iyo qaybaha bulshada eek u nool dalka Koonfur Afrika iyo sido kale culummaa’uddiin u dhashay qomiyadaha kala duwan ee ku dhaqan dalkaas.

Culumada ayaa ka hor munaasabada waxay socod kusoo mareeen waddooyinka magaalada Johannesburg, gaar ahaan xaafadda ay Soomaalida ku nooshahay ee Mayfair, iyagoo kor u qaadaya; isla markaane weyneynayay dhalashada Nebigeenna (NNKH); waxaana amaanka sugayay ciidammo ka tirsan booliiska Koonfur Afrika.

Munaaabadda ayaa waxaa ka hadlay qaar ka mid ah culummadii ka qayb-galay; waxayna goobta ka jeediyeen khudbadahii ay ugu talo-galeen munaasabada iyo dadweynahii goob-joogga ka ahaa, iyagoo diiradda ku saarayay muhiimadda ay leedahay xuska dhalashada Nebi Muxamed (NNKH); Waxaana dadweynihii goob-joogga ka ahaa Munsaaabadda ay culummadii weydiiyeen su’aalo kala duwa oo ay culummaduna uga jawaabeen.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddanka Koonfur Afrika Caamri Sheekh oo isagana ka hadlay xuska loo sameeynayay dhalashada Nebiga (CSW) ayaa ku sheegay inay sharaf weyn u tahay in jaaliyad intaan la’eg ay u soo baxaan xuska dhalashada Nebigeenna NNKH, isagoo ka hadlay taariikhda iyo muhiimada ay leedahay in maalintan la weyneeyo lana muujiyo shucuurta muslimiinta; wuxuuna dhanka kale xusay inay qomiyadaha kale ee Koonfur Afrika u dhashay ee kasoo qaybgalay xuska dhashada Nabigeena (NNKH) ay aad ugu faraxsan yihiin.

Ugu dambeyn, Munaasabaddaan kuwo la mid ah ayaa lagu wadaa in Maalimaha soo socda ay ka dhaco magaalada Rustenburg oo Soomaali aad u fara badani ku nool yihiin; waxaana xusid mudan in qowmiyadaha kale ee u dhashay Koonfur Afrika ay iyagana dhankooda ka dhigayaan munaasabado lagu xusayo dhalashada Nebi Muxamed (NNKH).

Cumar Muxumed Maxamed (Kiyow)
[email protected]
Johannesburg, Koonfur Afrika