4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 28, 2015
Wafdi uu Horkacayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo Maanta gaaray Jowhar (SAWIRO)


Isniin, December 28, 2015 (HOL) — Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Somalia, C/raxmaan Maxamed Xuseen [Odawaa] ayaa maanta gaaray degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasoo si diirran loogu soo dhaweeyay.

Xubnaha wafdiga gaaray degmada Jowhara ayaa waxaa ka mid ah; wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka, Wasiirka dhallinyarada, Wasiirka Amniga, Wasiir-u-dowlaha maaliyadda, Wasiir-u-dowlaha madaxtooyada iyo xildhibaanno baarlamaanka ka tirsan, kana soo jeeda oo ka soo jeeda gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, waxaana garoonka Jowhar kusoo dhaweeyay gudoomiyaha gobolka Shabeellaha dhexe, Cali Guud-laawe, ku-xigeennadiisa, guddoomiyaha Jowhar, saraakiil iyo xubno kale.

Intaa kaddib, wasiir Odawaa iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxay kulamo la qaadan doonaan qeybaha bulshada, kuwaasoo ay kala hadli doono xaaladda gobolka iyo doorka uga aaddan dhismaha maamulka loo sameynayo gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

Sidoo kale, wafdiga ayaa lagu wadaa inay inay booqdaan goobta lagu qabanayo shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, waxaana lagu wadaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo waqtiga uu furmayo shirka maamul u sameynta labadan gobol.

Ugu dambeyn, degmada Jowhar ayaa waxaa ka socday diyaar-garow ku aaddan marti-gelinta shirka, iyadoo dayactir xoog badan uu ka socdo dhisamayaasha ay ka mid yihiin hoteellada ee ku yaalla Jowhar, kuwaasoo lagu wado inay degaan xubnaha ka qaybgalaya shirka maamul u sameynta gobollada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya