4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 28, 2015
Gacan-yarihii gaarka ahaa ee Usama Bin Laden oo ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla dalka Yemen


Isniin, December 28, 2015 (HOL) — Gacan-yarihii iyo waardiyihii Osama Bin Laden oo la oran jiray, Nasser al-Bahri ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla Yemen, kaddib muddo dheer oo uu xanuunsanaa, Sida ay Warbaahinta u sheegeen howlwadeeno ka tirsan waaxda caafimaadka dalka Yemen.

Hawl-wadeenadan ayaa sheegay in Nasser al-Bahri oo Yemeni ah uu dhintay Sabtidii lasoo dhaafay, isagoo ku jiray isbitaal ku yaalla magaalada Mukalah oo ku taalla Koonfurta dalka Yemen, waxaana la rumaysan yahay inuu afartameeyo sano jiray.

Waxaa la sheegay in Nasser al-Bahri uu ku lug lahaa weeraro ay kooxo islaamiyiinta ah ka fuliyeen dalalka Bosnia, Somalia iyo Afghanistan, sannadihii sagaashameedyadii, laakiinse markii dambe wuu ka haray afkaarta shabakadda Al-Qaacida.

Al-Bahri oo sidoo kale loo yaqaanay Abu-jandal, ayaa ahaa darawalkii iyo ilaaladii gaarka ahaa ee hoggaamiyihii hore ee Ururka Al-Qaacida intii uu ku sugnaa Afgaanistaan, isagoo sidoo kale ahaa gacan-yarihii Bin Laden.

Sidoo kale, Al-Bahri ayaa sannadkii 2008-dii laga sii daayay xabsiga Guantanamo Bay ee Mareykanka, isagoo lagu soo celiyay dalka Yemen oo uu wixii ka dambeeyay xilligaas ku noolaa.

Ugu dambeyn, Bin Laden ayaa waxay ciidamada gaarka ah ee dalka Maraykanka ku dileen Pakistan, kaddib markii la weerar lagu qaaday guri uu ka deggenaa magaalada Abbottabad bishii May ee sannadkii 2011-kii.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya