Murashax ku Dhawaaqay Maanta inuu u Tartami doono Hogaanka Maamulka Hiiraan & Sh/Dhexe


Jimco, December 25, 2015 (HOL) — Musharraxii ugu Horreeyay oo kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa shaaciyay maanta inuu u taagan yahay xilka madaxnimo ee maamulka cusub ee loo dhisayo gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, kaas oo lagu wado in howshiisu ay billaabato toddobaadyada soo socda.

C/raxmaan Xuseen Caddoow oo warbaahinta kula hadlayay Muqdisho ayaa ugu horreyn ka warbixiyay safar uu ku tagay Kenya, halkaasoo uu sheegay inuu kula soo kulmay qaybaha bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi, uuna kala soo hadlay siyaasadda dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Sidoo kale, musharax C/raxmaan ayaa sheege in maalmaha soo socdo uu ku wajahan yahay magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan si uu ula soo kulmo bulshada reer Hiiraan.

Murashaxa ayaa intaa ku daray in haddii hoggaanka loo doortay uu ka shaqeyn doono sidii uu uga hir-gelin lahaa gobollada uu maamulka la dhisayo ka kooban yahay is-bedel amaan iyo mid nololeed, isagoo intaas ku daray inuu had iyo jeer uu ku dadaali doono maslaxadda ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan maamulka loo dhisayo labada maamul.

Hadalka murashax C/raxmaan Caddoow ayaa kusoo beegmaya iyadoo wasaarada arrimaha gudaha iyo fedraalka Somalia ay sheegtay toddobaadkaan in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u billaabi doonto howsha dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa dhowr casho ku sugnaa magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Toddobaadkaan, halkaas oo ay kula soo kulmeen Wax-garadka iyo siyaasiyiinta, iyadoo kulamadan intooda u badan looga hadlay dhismaha maamulka gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya