Banaanbax lagu taageerayo Heshiiskii Gaalkacyo oo ka dhacay Kismaayo [Sawirro]
Arbaco, December 02, 2015 (HOL) —Dibadbaxan oo uu soo qabanqaabiyay maamulka Jubaland ayaa waxaa ka qeybqaadanayay masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Jubaland, haween, dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo.
Dadkan oo isugu soo ururay beerta xoriyadda ee bartamaha magaalada Kismayo ayaa waxa ay siteen boorar ay ku xardhanaayeen halkudhigyo ay ku muujinayeen sida ay ugu faraxsanyihiin heshiiskii ay madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug ku kala sixiixdeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Fagaaraha beerta xoriyadda ayaa waxaa khudbado ka jeediyay madax ka tirsan Jubaland oo uu kamid yahay madaxweeyne kuxigeenka 2-aad ee Jubaland C/qaadir Xaaji Max'uud (Lugadheere), Wasiirro iyo madax kale oo ka tirsan maamulka, kuwaaa oo soo dhaweeyay heshiiska lagu gaaray Gaalkacyo.
"Waa talaabo aad u wanaagsan oo ku dayasho mudane, waxaa loo baahanyahay in madaxda Soomaaliyeed ay wadahadal ku xalliyaan wixii khilaaf ah ee dhexdooda ah," ayuu yiri Madaxweeyne kuxigeenka Jubaland.
Dhammaan dadkii ka hadlay goobta ayaa mahadcelin u jeediyay madaxda Soomaaliyeed ee dadaalka dheer gelisay sidii loo hakin lahaa xiisadihii ka aloosnaa Gaalkacyo.
Madaxweeyneyaasha Puntland iyo Galmudug ayaa heshiis ku kala sixiixday garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo, ayadoo heshiiskaasi ay garwadeen ka ahaayeen Raysul wasaaraha Soomaaliya Mudane C/rashiid Cali Sharmaake, Madaxweeynaha Jubaland Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe) iyo madaxweeynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
More News
- Suxufiyiin ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay Gobolka Sanaag oo loo qaaday Hargaysa
- Hoggaanka Galmudug iyo Puntland oo Hadallo xasaasi ah ka jeediyay xafladii saxiixa heshiiska
- SAWIRRO: Aqoon-kororsi Nairobi uga socda xubno matalaya DF iyo Maamul-goboleedyada
- Madaxweyne Xasan oo soo Dhaweeyay Heshiiskii maanta lagu kala Saxiixday Magaalada Gaalkacyo
- Xildhibaan ku Geeriyooday Muqdisho iyo Xasan Sheekh oo ka hadlay Geerida Xildhibaankan
- RW Somalia oo Maanta ka warbixiyay dadaallada lagu Dhex-dhexaadinayo Puntland iyo Galmudug
- BURKINA FASO: Banaanbax lagu soo dhaweeyay Madaxweynaha Cusub ee loo doortay Dalkaas
- Hay’adda Amnesty International oo ku eedeysay dowlada Eritrea in cadaadis ay ku hayso Rayidka
- Kulan looga Hadlayo Dhibaatooyinka AIDS-ka oo ka socda Xarunta dalka Zimbabwe ee Harare
- Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland oo ku kulmay Heshiisna Wada Saxiixay (SAWIRRO)
- UGANDA: Musuq-maasuqa oo gaaray meel sare iyo Mas’uuliyiinta Dowladda oo ka Hadlay
- Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo ka digay in Colaadda Gaalkacyo la Siyaasadeedyo