
Axad, December 13, 2015 (HOL) — Waxaa maanta Muqdisho ka furamaya shirka Wada-tashiga geeddi-socodka doorashada sannadka 2016-ka, kaasoo lagu go’aamin doono nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta sanadka soo socda.
Shirkan ayaa socon doona muddo laba casho, waxaana ka qaybgalaya dhamaan xubnaha madasha, iyadoo lagu falanqeyn doono aragtida doorashada dalka ka dhici doonta, kaddibna go’aan mid ah laga soo saari doono.
Mas’uuliyiinta dowladda federaalka Somalia iyo kuwa maamul-goboleedyada ay shirkaasi kasoo qayb-galaan, iyadoo waxa hadda horyaalla Madasha ay ka mid yihiin in la kala doorto qaabka doorashada ay noqonayso.
Qodobbada la kala dooranayo ayaa waxay kala yihiin; Doorasho Heer degmo ah, Doorasho hab beeleed ah [4.5], doorasho xisbiyo siyaasadeed ku timaadda iyo doorasho heer dowlad-goboleed ah.
Sidoo kale, noocyadan doorasho ee la kala dooranayo ayaa kasoo baxay shirar bishii hore lagu qabtay gobolllada dalka, kuwaasoo looga dooday nooca doorasho ee dalka ka dhici doontaa sannadka soo socda, iyadoo aragtiyo kala duwan laga soo saaray.
Ugu dambeyn, maamul-gobaleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa waxay kasoo saareen shirarkaas in doorashadu noqoto mid heer deegaan ah, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa iyagana qaba in doorashada laga dhigo hab beeleed 4.5 ku dhisan.
Haddaba, wixii kasoo baxa shirkan waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya