4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 27, 2015
Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta Furay Kal-gadhigii Lixaad ee Baarlamanka (SAWIRRO)


Isniin, Abriil 27, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay kal-fadhigii lixaad ee baarlamaanka Somalia, iyadoo kulanka uu goobjoog ka ahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sh. Cismaan (Jawaari) oo kulanka shir-guddoominayay.

Waxaa sidoo kale furitaanka kal-fadhiga baarlmaanka kale guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Avv. Caydiid C/laahi (Ilo-Xanaf), xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, Hanti Dhowr-ka Guud iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Furitaankii kal-fadhigan ayaa waxaa lagu dhaariyay labo xubnood oo xildhibaannada ka mid noqonaya iyo wasiir-u-dowlaha madaxtooyada Somalia, iyadoo intaas kaddib la gudo-galay furitaanka kal-fadhiga lixaad ee golaha baarlamanka.

Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia ayaa xildhibaannada u sheegay in xilligan ay shaqo adag hortaallo baarlamaanka, isla markaana waqtiga u harsan uu aad u yar yahay loona baahan yahay in loo wada-diyaar garoobo sidii loo fulin lahaa howshaas adag.

Jawaari ayaa ra’iisul wasaaraha Somalia ka dalbaday inuu faahfaahin ka bixiyo kulamadii uu lasoo yeeshay madaxda dalka Keynay, kuwaasoo ku saabsanaa arrimaha Qaxootiga iyo xawaaladihii ay dowladda Kenya kusoo rogtay xayiraadaha.

RW Sharma’arke ayaa sheegay in madaxda dalka Kenya ay isku af-garteen in Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Dhadhaab aan si kahsab ah dib loogu soo celin dalkooda; isagoo intaas ku daray in dib u furidda shirkadaha xawaaladaha ay ka mid ahaayeen arrimihii ay isku af-garteen mas’uuliyiinta Kenya.

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia ayaa khudbad dheer ka jeediyay furitaanka kal-fadhiga lixaad ee baarlamaanka Somalia isagoo ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen la-dagaalanka Al-shabaab, arrimaha Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalalka Kenya iyo Yemen.

Xasan Sheekh ayaa mar uu ka hadlayay arrimaha Federaalka Somalia isagoo sheegay in hannaanka goboleysiga uu yahay mid ummadda kala qob-qobeya, isla markaana colaad abuuraya isagoo sheegay in dadka arrintaas ka aaminsan federaalka aysan ahayn kuwo saxan.

Dhanka kale, madaxweynaha Somalia ayaa xildhibaannada baarlamaanka ka codsaday inay xoogga saaraan shuruucda quseysa federaalka si maamullada KMG ah ee dhisan iyo kuwa la dhisayo ay u noqodaan kuwo ku saleysan shirciyada u degsan dalka.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dhallinyarada ka tirsan Al-shabaab inay dadkooda dib ugu soo laabtaan; isla markaana ay soo dhaweynayaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya