SAWIRRO: Ku dhawaad 1,000 qof oo kasoo qaxay Yemen oo Maanta soo Gaaray Boosaaso
Jimce, Abriil 26, 2015 (HOL) — Dekedda magaalada Boosasso waxaa saaka kusoo xiratey doon siddey in ka badan 800 oo qof oo kasoo qaxay dalka Yemen. Dadkan oo isugu jirey rag, dumar iyo carruur ayaa u badan Soomaali, waxaase ku jirey ku dhowaad soddon qof oo isugu jirey Yemeniyiin, Jabuutiyaan, Keenyaati iyo Itoobiyaan.
Xilligii doontu soo xiraneysey waxaa dekedda ku sugnaa mas'uuliyiin dowladda ka tirsan oo ay kamid ahaayeen, wasiirka dekedaha, wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha, duqa degmada Bosaso, taliye ku-xigeenka booliska Bari, isimmo iyo xubno ka socdey hay'adaha Bisha Cas iyo IOM.
Kooxaha caafimaadka ayaa gurmad deg deg ah u fidiyey dad isugu jirey naafo iyo waayeel, waxaa sidoo kale cunto fudud la siiyey muhaajiriinta oo loo qaybiyey labo qaybood. Ragga si gaar ah ayaa loo soocey dumarka iyo carruurtana hal goob ayaa laysugu geeyey.
Markii u dhammadey baaritaanku, waxaa dadkan lagu daad gureeyey gawaari horay loogu sii diyaariyey, waxaana la geeyey goob la qorsheeyey in qaxootiga Yemen kasoo cararayaa si kumeel gaar ah u joogaan.
Afartii todobaad ee ugu dambeeyey waxaa xeebaha Puntland soo gaarey in ka badan 2000 oo qof. Badi dadkaasi waxay kasoo degeen magaalada Bosaso, balse qaar kale oo la socdey doomo yaryar ayaa gaarey degmooyinka Gumbax, Bareeda iyo Tooxin oo dhammaantood ka tirsan gobolka Gardafuu.
Xaaladda dalka Yemen ayaa kasii dartey markii Sucuudiga iyo xulafadiisu duqeymaha ka bilaabeen, waxayna duqeymaha kaddib cabsi xooggani soo food saartey ajaanibta gaar ahaan Soomaalida.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya
More News
- TARSAN: Somaliland Waxaan leeyahay Ummada Hoggaan u Noqda oo ka laabta Gooni-isu-taagga
- Madaxweyne Siilaanyo oo Dadka Hargeysa kala Qayb-galay Salaad Roob-doon ahayd (SAWIRRO)
- DAAWO SAWIRRO: Madaxweynaha Mareykanka Obama oo ku sugan Kenya isagoo Dhallinyaro ah
- XILDHIBAAN CALI BOODAAYE: Shacabka reer Hiiraan iyagaa go'aan ka Gaari kara Aayahooda
- ABUU-MUSCAB: Kororka Weerarrada Kenya ka dhaca waxay baqdin Galiyeen Madaxda dalkaas
- Gudoomiyihii Maxkamada Sare ee Somaliland oo sheegay in Sharci-darro Xilka looga Qaaday
- Madaxweynaha Soomaaliya iyo Hoggaanka Maamullada Gobollada oo ku Wajahan Garoowe
- Dhul-gariirkii ku dhuftay dalka Nepal oo ay 2200 Qof ku dhinteen iyo Gurmad Socda (SAWIRRO)
- Madaxweyne C/weli Gaas oo Maanta Dib ugu soo Laabtay Garoowe kana Hadlay Arrimo Badan
- Dowladda oo Dublomaasiyiin Soomaaliyeed oo Maanta Tababar ugu Qaaday Kenya (SAWIRRO)
- Kooxo hubeysan oo Magaalada Muqdisho ku dilay sarkaal ciidan iyo Guddoomiye Waaxeed
- Somalida Mareykanka oo Dhigay Mudaaharaad ay uga Hor-jeedaan Dhallinyaro la Xiray (SAWIRRO)
- SHARMA’ARKE: Waxaa la Dhisayaa Maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe
- Al-shabaab oo soo bandhigtay Maydka Sarkaal Kenyan ah oo iyaga ka barbar dagaalamayya
- HADLIYE: Xukuumadaha Kenya iyo Soomaaliya waxaa ka dhexeeya Xiriir aad u Wanaagsan






