4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 25, 2015
Xuska Maalinta Wacyi-galinta Cudurka AUTISM-ka oo Lagu Qabtay Minneapolis (SAWIRRO)


Sabti, Abriil 25, 2015 (HOL) — Xuska maalinta wacyi-galinta cudurka  Autisam-ka ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee gobolkan Minnesota, waxaana kasoo qaybgalay dadwayne kala duwan sida; Waaliddiin, Dhakhaatiir, Shaqaalaha caafimaadka bulshada, Siyaasiin iyo Ganacsato.

Waxaa ugu horreyn ka hadashay duqa magaalada Minneapolis, Betsy Hodges waxayna sheegtay in la siin doono tababar ku saabsan xanaaneynta ilmaha qaba cudurkan qoysaska heysta carruurtaas uu haleeyay Autismka, iyadoo intaas ku dartay inay hore tababar nuucan ah u siiyeen ciidmada Booliska iyo kuwa Dabdamiska.

"Waxaan ku faraxsanahay in dowladda dhexe ee Mareykanka ay ogolaatay kharash gaar ah oo wax lagu baranayo carruurta la xanuunsan cudurkan," ayay sii raaciyay Hodges.

Xuskan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay Ururka Iskutaga Waalidiinta  Autismka, waxayna sheegeen inay aad uga walaacsan yihiin carruurta Soomaaliyeed, maadaama uu cudurkani yahay mid halis ah.

Maryan Axmed iyo Deeqo Xuseen ayaa aas-aasay ururkan, waxayna labadii sano ee lasoo dhaafay ka shaqeynayeen sidii loo wacyi-gali lahaa waaliddiinta Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota iyo guud ahaan dalka Mareykanka.

Waxay isku raaceen in waalidiinta Soomaaliyeed ay la dhuuman jireen ama qarin jireen carruurta qaba cudurkan, iyagoo ka xishoon jiray inay bulshada la wadaagaan xanuunkan, Waxana Deeqo Xuseen oo ah macallimad dhigta culuunta Sayniska ay sheegtay hadda waxbarashadeeda u badalatay cilmiga carruurta, waxayna sheegtay inay la talin doonto waalidiinta Soomaaliyeed, waxayna sidoo kale la taliye ka tahay waxbarashada magaaladda St. Paul.

"Waxaan wada-tashi la sameyn doonnaa qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan waaliddiinta haysta carruurta qaba cudurka Austism," ayay tiri Maryan Axmed oo xuska cudurkan hadal ka jeedisay.

Sidoo kale, xuskan waxaa ka hadlay, Siyaad Cali oo ka tirsan Waaxda Wax-barashada ee magaalada Minneapolis iyo Emy Hewitt oo ah cilmi-baare ka tirsan Jaamacadda Minnesota, kuwaasoo ka sheekeeyay taariikhda cudurkan iyo waxyeelladiisa.

Siyaad ayaa sheegay inay caawin doonaan waaliddiinta haysta carruurta qaba Cudurkan, wuxuuna intaas ku daray inay jiraan carruur badan oo Soomaaliyeed oo cudurkan si aad ah ula xanuunsan.

Faarax Blue, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota