4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 25, 2015
Suxufiyiin Tababarkii ugu horeeyay loogu qabtay Maanta Degmada Laascaanood (SAWIRRO)


Sabti, Abriil 25, 2015 (HOL) — Tababar lagu xoojinayay aqoonta suxufiga oo ay ka qayb-galeen in ka badan 50-suuxfi oo ka kala yimid gobollada Sanaag, Togdheer iyo Sool ayaa maanta lagu qabtay magaalada Laascaanood oo ah xarunta gobolka Sool.

Siminnaarkan oo uu soo qaban-qaabisay ururka suxufiyiinta SOLJA, ayna maal-gelisay hay’adda National Endowment for Democracy (NED ayaa looga kor u qaadista aqoonta suxufiga sida uu sheegay guddoomiye ku xigeenka ururka SOLJA, Keyse Axmed Digaale.

Guddoomiyaha gobolka Sool, Yaasiin Axmed Shide oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa soo dhaweeyay tababarka, wuxuuna codsaday in marar kale tababarkan oo kale lagu qabto magaalada Laascaanood.

"Fursadan waxaan uga faa'iidaysanayaa inaan suxufiyiinta u sheego inay eegaan gobolka oo ay meel kasta tagaan, waa inaad si dhab ah uga warbixisaan oo u sheegtaan hay'adaha inay Laascaanood uu ammaan ka jiro," ayuu yidhi gudoomiyaha gobolka Sool isagoo sii raaciyey inay suxufiyiintu sheegaaan inaanay xitaa lahay magaaladu tuug mobile-lada dhaca.

Sidoo kale, taliyaha qaybta booliiska gobolka Sool, Col. C/raxmaan Nuur Colhaye ayaa isna sheegay in saxaafadda iyo boolisku aanay colna ahayn - nabadna ahayn, balse loo baahan yahay in la helo sharci kala haga, isagoo SOLJA ka codsaday inay iska xil-saaraan sidii wax looga qaban lahaa arrintaas.

Ugu dambeyn, Tababarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo noociisa ah oo lagu qabto magaalada Laascaanood, waana tababar ay ka qayb-gaateen dhallinyaro aan horay u helin wax tababar ah, iyadoo suxufiyiintii ka qayb-galay ay si aad ah ugu Qanceen Tababarka.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool