4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 25, 2015
Maxkamada Ciidanka oo Maanta Xukuntay Rag lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab


Sabti, Abriil 25, 2015 (HOL) — Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukunno dil iyo xabsi ah ku ridday maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab, kaddib markii ay maanta la horkeenay.

Maxkamadda oo u fariisatay dacwad ciqaabeed loo haystay afar eedeysane oo xeer-ilaalintu ku eedeysay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, isla markaana ay u qaabilsanaayeen dilalka qorsheysan ee Muqdisho ka dhaca.

Eedeysanayaasha ay maxkamadu xukuntay maanta ayya magacyadooda lagu kala sheegay; C/qani Bashiir Axmed, Axmed-nuur Maxamed, Yuusuf Maxamed Fiidow iyo Maxamed Bootaan Shidane.

Kaaliyaha maxkamadda, Col. Xasan C/raxmaaan Aadan ayaa tilmaamay in dacwooyinka eedeysanayaashan loo haysto uu soo gudbiyay xafiiska xeer-ilaalinta; kuwaasoo ay ka mid yihiin inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayna dilal bareer ah ka geysteen marxuum Guuleed Maallin Maxamed oo ka mid ahaa ciidamada ilaalinta deegaanka Xamar.

“Gacan-ku-dhiigle, C/qani Bashiir Axmed iyo gacan ku dhiigle, Axmed-nuur Max'ed waxay maxkamaddu ku xakuntay dil toogasho ah, kaddib markii ay ku cadaatay dil ay wadajir ugu geysteen marxuum lagu magacaabi jiray, Guuleed Maallin Maxamed,” ayuu yiri Col. Xasan C/raxmaan oo natiijada xukunka maxkamadeed ku dhawaaqay.

Sidoo kale, Maxamed Bootaan Shidane ayay maxkamaddu ku xakuntay 15-sano oo xabsi ciidan ah, waxayna dowladda la wareegtay saddex qori oo AK-47 ah iyo hal qori oo RPG ah, kuwaasoo lagu soo qabtay.

Ugu dambeyn, Yuusuf Maxamed Fiidow oo ka mid ahaa Afartii eedeysane ee maanta la horkeenay maxkamadda ciidamada ayaa waxay amar-tay in lagu sameeyo dhaqan-celin, maadaama ay ku caddaatay inuu Al-shabaab ka mid ahaa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya