4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 25, 2015
SAWIRRO: RW Cumar oo ka Hadlay Qoxootiga ku Nool Dalka Kenya iyo Xawaaladihii la Xayiray


Sabti, Abriil 25, 2015 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali oo dhawaan safarro ku tagay dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa sheegay in Madaxda Kenya uu kala hadlay xaaladda Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas iyo xayiraadihii lagu soo rogay Xawaaladaha ka howlgala Kenya.

Sharma’arke ayaa xusay in madaxda Kenya uu u muujiyay sida uu uga xun yihiin in la xiro xawaaladaha oo ahaa kuwo ay noloshoodu ku tiirsan tahay boqolaal kun oo Soomaali ah oo ku nool waddanka Kenya.

"Waxaan u muujinay in adeegga xawaaladuhu ay ku tiirsan yihiin nolosha boqollaal kun oo Soomaali ah, kuwaasoo ku nool lacagaha ehelladoodu ay dibadaha uga soo diraan. waxaan kala hadalnay mas'uuliyiinta Kenya in dib loo furo xawaaladaha, waxaana rajeynaynaa in toddobaadyada soo socda ay dib u howl-geli doonaan, iyagoo waafaqsan shuruucda ay ku shaqeeyaan bangiyada," ayuu yiri RW Sharmarke.

Sidoo kale, RW Cumar ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR ay ka wada-shaqayn doonaan sida ugu habboon ee Qoxootiga Dhadhaab ku jira loogu soo celin karo dalkooda Somalia; taasoo uu xusay inay tahay mid u baahan in si wadajir ah la isaga kaashado, dibna loogu soo celiyo dalkooda marka ugu horreysa ee la xaqiijiyo amnigooda, noloshooda iyo meelaha ku habboon ee la dajin lahaa.

"Dib u soo celinta Qoxootigu ma noqon doonto mid khasab ah, waxay noqon doontaa mid loo gogol-xaaro goobaha ay dagayaan lagana fekero amniga iyo noloshooda kale, arrinta Qoxootiga ee la yiri saddex bilood ha lagu celiyo ma jirayso Insha Allaah. Waxaanan uga wada-shaqeyn doonnaa si wadajir ah sidii dadkaas Soomaaliyeed ee dalkooda uga cararay amni-darrada ay si nabad ah ugu soo noqon lahaayeen mar kale," ayuu hadalkiisa raaciyay RW Somalia.

Ugu dambey, Sharma’arke ayaa sheegay in qulqulka dhallinyarada tahriibka u ah Yurub ee ku geeriyoonaya maalin kasta badda u dhaxaysa Talyaaniga iyo Liibiya ay laga maarmaan tahay inay aaminaan waddankooda kana qayb-qaataan dagaalka lagula jiro nabad-diidka ah oo shacabka Soomaaliyeed u diidan inay nololaadaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya