4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 25, 2015
Wasaarada Amniga oo ka digtay Weerarro ay Al-shabaab doonayso inay ka Geysato Muqdisho


Sabti, Abriil 25, 2015 (HOL) — Wasaarada Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa ka digtay weeraro ay sheegeen in Al-shabaab ay doonayso inay la beegsato goobaha ay bulshadu ku kulanto sida Masaajidda, Isbitaallada iyo goobaha Waxbarashada.

Afhayeenka wasaaradda Amniga, Maxamed Yuusuf oo maanta Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay heleen xogo la xiriira in Al-shabaab ay qorsheeyeen inay weeraraan goobaha bulshadu ku kulanto oo ay masaajiddu ka mid yihiin.

“Bulshada ku nool gobolka Banaadir waxaan ku wargelinaynaa in Al-shabaab ay qorshey-nayso inay weerarro ka fuliyaan goobaha ay bulshadu ku kulanto, waxaana ugu baaqaynaa inay feejignaadaan ayna kala shaqeeyaan ciidanka amniga sidii weerraradaas looga hor-tegi lahaa,” ayuu yiri Maxamed Yuusuf.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa intaas ku daray in dadweynaha Muqdisho laga doonayo inay dul-qaad muujiyaan xilliyada ay ciidamadu ku howlan yihiin sugidda ammaanka, isagoo ku eedeeyay Al-shabaab inay u soo jeesteen waxyeelleynta shacabka Soomaaliyeed.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo ciidamada ammaanka dowladdu ay Muqdisho ka wadeen howgallo baaritaanno ah oo lagu sheegay inay yihiin kuwo lagu sugayo amniga caasimadda Somalia.

Al-sabaab ayaa toddobaadyadii ugu dambeysay ka geysanaysay Muqdisho qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay la beegsanayeen goobaha dowladdu ay leedahay sida wasaaradaha oo ay ugu dambeysay wasaarada Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya