4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 25, 2015
Golayaasha Somaliland oo ogolaaday xil-ka-qaadistii Gudoomiyihii Maxkamadda Sare ee SL


Sabti, Abriil 25, 2015 (HOL) — Mudaneyaasha labada gole ee baarlamaanka (Guurtidda iyo Wakiiladda) ayaa ogolaaday xil-ka-qaadistii uu dhawaan ku sameeyay madaxweynaha Somaliland guddoomiyihii maxkamadda sare ee Somaliland, Yuusuf Ismaaciil Cali.

Fadhi wadajir ah oo ay maanta yeesheen labadda gole Baarlamaan ayaa cod loogu qaaday inay ogol yihiin xil ka qaadistii gudoomiyaha maxkamadda iyo in aanay ogolayn, waxaanay caqlabiyadda xildhibaanaddu u codeeyeen in xilka laga qaado, isla markaana taageereen soo jeedintii xilka lagaga qaadayey.

Sidoo kale, fadhiga oo ay kasoo xaadireen 128 xildhibaan, waxa ogolaaday in xilka laga qaaddo 80 xildhibaan, halka ay diideen 32 xildhibaan iyo  12 xildhibaanna oo ka aamusay, sidaas bay ansax ku noqotay xil ka qaadista gudoomiyaha maxkamadda sare.

Madaxweynaha ayaa dhowaan xilkiii ka qaaday gudoomiyaha maxkamadda sare Yuusuf Ismaaciil Cali, waxaana qoraal uu kaga dalbanayo fadhi wada jir ah usoo diray labadda gole baarlamaan, kuwaas iyaguna ka ogolaaday xil ka qaadistaasi madaxweynuhu soo jeediyey

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland