4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 25, 2015
Dowlada Somalia oo sheegtay inay dib u Howl-gelinayso Hay’adihii Diiwaan-gelinta Dhulka


Sabti, Abriil 25, 2015 (HOL) — Wasiirka howlaha guud, dib-u-dhiska iyo guriyeynta dalka Somalia, Inj. Saalax Sh. Cismaan iyo wafdi uu horkacayo oo safar shaqo oo afar maalmood ku joogay dalka Turkiga ayaa saaka dalka dib ugu laabtay.

Shir jaraa’id oo uu wasiirku ku qabtay Muqdisho ayuu uga hadlay shirkii caalamiga ahaa ee sahminta, cabbirka iyo diiwaan-gelinta dhulka ee caalamka oo ka dhacay Istanbuul-Turkiga intii u dhaxeysay 20-kii illaa 24-kii bishan Abriil.

Inj. Saalax ayaa sheegay inuu saxiixay baaq caalami ah oo Somalia ay markii ugu horreysay qayb uga noqoneyso nidaamka caalamiga ah ee sah-minta, cabbirka iyo diiwaan-gelinta dhulka. Wuxuuna intaa ku daray inay Soomaaliya gudbisay xaaladda dhulka Somalia; sida uu hadda yahay bur-burkii kaddib; isagoo xusay inuu dalku lahaan jirtay shuruuc iyo xeerar ku saabsan cabbirka iyo mikiyadda iyo diiwaan-gelinta dhulka.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu xusay in burburkii Somalia ka dhacay ay saameyn ku yeesheen xarumihii lagu kaydin jiray warqadihii dhulalka oo burburay, taasoo sababtay u noqotay is-qab-qabsi ballaaran oo dhinaca lahaanshaha dhulka ah.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in xukuumada Somalia uu wakiilka uga yahay dhulalka iyo hawlaha guud ay dhawaan dib usoo celin doonto hay’addii sah-minta, cabbirka iyo diiwaan-gelinta; iyadoo la raacayo xeerarkii ay Somalia lahaan jirtay ee ku saabsanaa arrimaha, iyadoo la waafajinayo xaaladda ka jirta Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qaybgalay in ka badan 60-dowladood. Sidoo kale waaxa shirka goobjoog ka ahaa ergo iyo qubaro koru dhaafaya 1,500 iyo 13 wasiir oo ay Soomaaliya iyo Jabuuti ka mid yihiin.

Ugu dambeyn, wasiirka hawlaha guud, guriyeynta iyo bay’adda dalka Turkiya iyo wasiirka hawlaha guud, guriyeynta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya ayaa si gooni ah isugu af-gartay inay iska kaalmeystaan sidii Soomaaliya looga hir-gelin lahaa nidaamka sah-minta, cabbirka iyo diiwaan-gelinta dhulka iyadoo la adeegsanayo tik-noolajiyadda caalamka ugu dambeysay, waxaana howshan iska-kaashan doonaan qubaro Soomaali iyo Turki ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya