4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 25, 2015
Haweeney Cambe ku tuurtay Madaxweynaha Waddanka Venezuela oo lagu Abaalmariyay Guri


Sabti, Abriil 25, 2015 (HOL) — Haweeney u dhalatay Venezuela ayaa ku guuleysatay in madaxweynaha dalkaas, Nicolas Maduro uu siiyo guri kaddib markii dhawaan ay cambe madaxa uga dhufatay madaxweynaha Venezuela.

Marleny Olivo oo ah haweeneyda guriga la siiyay ayaa cambaha ku tuurtay madaxweyne Nicolas xilli uu gaari bas ah ku dhex-waday magaalada ay degenayd oo ku taalla bartamaha waddankaas.

Nicolas Maduro oo ahaan jiray darawal Bas, wuxuu jecel yahay inuu xiriir la yeesho dadka caadiga ah ee dalkiisa isagoo gaari bas ah kusoo booqda goobaha ay bulshadu ku badan tahay.

Intii uu ku jiray safar uu ku marayay gobolka Anzoátegui ayay haweeneydu ku tuurtay mir cambe ah, taasoo uga gashay madaxweynaha daaqda baska uu xilligaas kaxeynayay.

Sidoo kale, madaxweynaha Venezuela oo maalmo kaddib si toos ah TV-ga uga hadlayay ayaa soo bixiyay cambihii ay ku qoran yihiin erayo ah haddii aad i soo wici karto i soo wac iyo lambarka taleefoonka haweenay oo 54-jir ah; taasoo la nool hooyadeed iyo qaraabo kale.

Madaxwayne Maduro ayaa sheegay in saraakiisha xafiiskiisu ay haweeneyda la xiriiray, inkastoo ay ka walaacday wicitaanka, balse mar dambe lagu war-geliyay in la siiyay guri qayb ka ah mashaariic waa-wayn oo guryo loogu dhisayo dadka reer Venezuela.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Venezuela ayaa sheegay in cambuhu bislaaday wuxuuna ballan-qaaday inuu cuni doono  marka uu dhaemeystirto barnaamijkiisa telefishinka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya