4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 25, 2015
TARSAN: Qoxootiga Yemen ku nool Xabad ayaa ku socota ee waa in iyaga Muhiimadda la Siiyaa


Sabti, Abriil 25, 2015 (HOL) — Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir iyo sidoo kale Duqii Muqdisho, Maxamuud Axmed Tarsan (Tarsan) ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqso badan loogu gurmado Qoxootiga Soomaaliyeed ee dalka Yemen ku nool, kuwaasoo uu sheegay inay xabbadi ku socoto.

Duqii hore ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in loo baahan yahay in lasoo bad-baadiyo nolosha Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Yemen, isagoo dalbaday in kuwa Kenya ku sugan laga hor-mariyo, maadaama aysan xabbadi ku socon kuwa Kenya.

“Xukuumadda Somalia waa inay la timaaddaa qorshe cad oo Somalida ku nool Yemen lagu badbaadinayo. Mana ahan inay tiraahdo waxbaa qabanayaa iyadoo aan diyaar u ahayn inay qabato,” ayuu yiri Tarsan.

Tarsan oo ka hadlayay Heshiiskii Saddex geesoodka ahaa ee Somalia, Kenya iyo UNHCR ku dhexmaray Nairobi ee ahaa dib u celinta Qaxootiga Somalida ee ku jira Dhadhaab ayaa sheegay in howl walba ay habboon tahay in sida ay u kala horreyso loo qabto. Qoxootiga Kenya ku suganna aysan xabbadi ku socon, balse kuwa Yemen ay xabbadi ku socoto.

“Waxaa jira waxyaabo is-diidaya - waaxaa la yiri ‘Ood sida ay u kala Sarreyso ayaa oo kala Qaadaa’ Soomaalidu way isku gurmatay, Qoxootiga Kenya jooga in lasoo celiyo kama dhib badna in lasoo celiyo kuwa Yemen jooga waayo kuwaas xabbad ayaa ku socota; naftoodu khatar ayay ku jirtaa, waa in la is-xil-qaamaa oo qoxootiga Yemen jooga dalkooda lagu soo celiyo,” ayuu yiri duqii hore ee Muqdisho.

Sidoo kale, Tarsan ayaa intaas ku daray. “Qoxootiga Soomaaliyeed ee dalka Kenya jooga waxaa la yiri saddex bilood gudahood ha lagu celiyo dalkooda, waana arrin la sameyn karo haddii la awoodo, balse Qoxootiga Yemen ku sugan ma jirto xilli loo qabtay, xabbad ayaana ku socota, mana jirto cid ilaalinaysa shuruucda qoxootiga caalamka u yaalla. Marka waxaan ku talin lahaa in si dhaqso ah dalkooda loogu soo celiyo.”

Gabagabadii, Duqii hore ee Muqdisho ayaa ugu baaqay ganacstada iyo cidii Alle wax siiyay inay ku tabarucaan Qoxootiga ku dhibaateysan dalka Yemen diyaarado iyo maraakiib si loo soo celiyo qoxootigaas Soomaailyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya