4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 24, 2015
Roobab Xayiray Duulimaadyadii Imaan Jiray Garoonka Diyaaradaha Beledweyne (SAWIRRO)


Jimco, Abriil 24, 2015 (HOL) — Ma jirin wax duulimaadyo ah oo saddexdii cisho ee la soo dhaafay ka soo gaaray garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, sababo la xiriira roobabkii ugu danbeeyay ee ka da'ay magaalada iyo daafaheeda.

Hadaba shacbka ku dhaqan Baladweyne oo saameyn xoog leh ay ku yeellatay arrinta ayaa bilaabay in ay dib-u-diyartir ku sameeyaan qeybaha uu ka bur bursan yahay garoonka, gaar ahaan jidadka ay diyaaraduhu adeegsadaan marka ay soo degayaan iyo marka ay duulayaan intaba [Run Way ]

Xubno ka tirsan dadka rayidka ah sida dhallinyarada iyo haweenka ayaa kormeeray maanta qaybaha uu garoonka ka kooban yahay; iyagoo u kuur-galayay meelaha garoonku ka bur-bursan yahay si dayactir dhaqso ah loogu sameeyo.

Xubnahan is-abaabulay ayaa garoonka kula kulmay saraakiisha ciidamada AMISOM oo uu hor-kacayay taliyaha ciidamada Jabuuti Col Cismaan Dubad oo ay isla soo qaadeen xaalada garoonka iyo dhibaatada waqtigan ka jirta.

Sanad walba marka xiligan oo kale la gaaro roobabka waxaa ay saameyn weyn ku yeeshaan duulimaadyada garoonka diyaaradaha Beledweyne oo muhiim u ah adeega dadweynaha ee dhinaca duulimaadyada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya