4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 24, 2015
MUQDISHO: AMISOM oo Tababbar u soo Gaba-gabeysay Haween ka Tirsan Booliiska Somalia


Jimco, Abriil 24, 2015 (HOL) — AMISOM ayaa afartan Haween ah oo ciidanka booliiska Soomaaliya ka tirsan ayaa tababar ugu soo gunaanaday magaalada Muqdisho, kuwaasoo ka kala socday dhammaan saldhigyada booliiska gobolka Banaadir, waxaana la baray shaqada ciidamada iyo doorka ay ku leeyihiin ka qayb-qaadashada howlaha kala duwa ee booliiska.

Tababarkan ayaa waxaa dhanka dhaqaalaha ka taageertay haya’dda UNDP ee Qaramada Midoobay, iyadoo ujeeddada tababarkan uu ahaa mid sare loogu qaaday inay haweenku ka mid noqdaan hoggaanka booliiska Soomaaliya.

Sidoo kale, tababarka ayaa waxaa haweenkan booliiska ka tirsan lagu baray casharro ay ka mid yihiin; xuquuqda aadanaha, sidii haweenka iyo raggu ay taliyeyaal uga noqon lahaayeen ciidamada iyo dhisidda kalsoonida ay shacabka Soomaaliyeed ku qabaan ciidamadooda.

“Haweenka Soomaaliyeed aad ugu yar yihiin hay’adaha dowladda Soomaaliya; iyadoo ay lagama maarmaan tahay in codadkooda la maqlo marka go’aan laga gaarayo amniga dalka. Waxayna arrimahan oo dhan ay u baahan yihiin in la helo haween Soomaaliyeed oo karti u leh inay ka mid noqdaan hoggaanka booliiska Somalia; isla markaana howlaha looga baahan yahay qaban kara, sida inay qoraan haween badan oo booliiska ka mid noqda,” ayuu yiri kaaliyaha agaasimaha guud ee booliiska AMISOM, Sylvia Auma.

Kaaliya ayaa intaas raaciyay in dhamaan haweenka tababarka qaatay haddii ay tababarkan u fuliyaan ay qayb ka qaadan karto howlaha booliiska dalka iyo la dagaalanka dambiyada dhaca.

“Waxyaabaha ugu muhiimsan ee haweenka booliiska ah la baray waxaa ka mid ahaa inay kaalin ku yeeshaan sirdoonka iyo macluumaad ururinta; taasoo qayb weyn noqon karta sidii loogu guuleysan lahaa baarista dambiyada dhaca,” ayuu ku daray hadalkiisa Sylvia Auma. Isagoo kula dardaarmay haweenka tababarka ka faa’iideystay inay aqoonta ay barteen uga faa’iideeyaan haweenka ka mid ah ciidamada booliiska Soomaaliya.

Dhanka kale, Faadumo C/qaadir C/shakuur oo ka mid ahayd haweenkii booliiska ahaa ee ka faa’iideystay tababarka ayaa sheegtay inay barteen aqoon aanay horay u aqoon. Iyadoo xustay inay si wanaagsan ugu shaqeyn doonaan aqoonta la baray, waxayna u mahadcelisay haweenka booliiska AMISOM ka tirsan ee tababarka siiyay.

Ugu dambeyn, waxaa xafladda xirtaanka tababarkan oo aan la sheegin intii uu socday ayaa lagu soo bandhigay direys cusub oo ciidamada booliiska ay ku shaqeyn doonaan; kaasoo la sheegay inuu sare u qaadayo kalsoonida ay bulshadu ku qabi karto ciidamadooda booliiska.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya