4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 24, 2015
Tahriibayaal ay Somali ku jirto oo Tareen uu ku dilay Mecedonia Xilli ay ku Gudo-jireen Tahriib


Jimco, Abriil 24, 2015 (HOL) — Ugu yaraan 14-tahriibe oo Soomaaliya iyo Afgaanitaan u dhashay ayuu tareen ku dilay waddanka Mecedonia, xilli ay ku jireen tarhiib ay doonayeen inay dalalka Yurub qaarkood ku tagaan.

Tahriibayaashan ayaa noqonaya tiradii ugu badnayd oo geeriyooda iyagoo nolol wanaagsan u raadsanaya dalalka Yurub, kaddib markii 750-qof ay ku naf-waayeen Axaddii hore dooni kula dagtay badda Mediterranean-ka.

Wadihii tareenka ayaa sheegay inuu arkay dadkan oo fadhiya jidka uu tareenku ku socday, laakiinse uu awoodi waayay inuu si dhaqso ah ku joojiyo tareenka, ayna geeriyoodeen 14-qof oo tahriibayaashii ka mid ah.

Sidoo kale, shaqaalaha gurmadka deg-degga ah ee dalka Macedonia goobtaas tagay ayaa u sheegay warbaahinta inay goobta ku arkeen arrin naxdin leh, iyagoo xusay in hilbaha dadka uu tareenku jiiray ay firirsanaayeen 150 mitir oo waddada tareenka ah.

“Darawalka tareenka wuxuu isku dayay inuu u digo dadka hareeraha jidka fadhiyay, isagoo u yeeriyay dhawaaq weyn, balse 14-qof oo Soomaali iyo Afgaanistaan isugu jiray ayaa ku dhintay shilka, tiro kalena si dirqi ah ayay uga badbaadeen,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay saraakiisha dalka Macedonia soo saareen maanta oo Jimco ah.

Waxaa kaloo war-saxaafadeedka lagu sheegay in shilkan uu ka dhacay dhul buuraley ah oo ku yaalla magaalada Veles, inkastoo dhibbanaayshan ay ku dhinteen shilka.

Afhayeennadda booliiska Veles, Anita Stojkovska ayaa laga soo xigtay inay xireen sideed ka mid ah tahriibayaashii shilka ka badbaaday, tiro kalena ay baxsadeen, iyadoo intaa raacisay in maydadkii 14-kii ruux ee geeriyooday la dhigay meel lagu kaydiyo maydadka oo ku taalla magaalada Veles.

“Muhaajiriinta magan-galyo doonka ah sidan oo kale ayay ugu dhimanayeen shilal ka dhaca Waddooyinka ay Tareennadu ku cararaan lixdii bilood ee lasoo dhaafay,” ayay hadalkeeda ku dartay ku dartay, Anita Stojkovska.

Ugu dambeyn, tahriibayaal badan oo Afrikaan iyo Aasiyaan isugu jira ayaa sii mara dalka Macedonia; iyagoo uga sii gudba Dalka Serbia oo ay uga Tallaabaan Waqooyiga Giriigga; iyagoo rajeynaya inay uga gudbaan dalal ay ka mid yihiin; Romania, Hungary iyo Croatia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya