4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 24, 2015
Isku-aadka Wareega Semi-finalka koobka EUFA Champions League oo Maanta la Shaaciyay


Jimco, Abriil 24, 2015 (HOL) — Waxaa maanta la shaaciyay isku-aadka wareegga Semi-finalka koobka horyaallada Qaaradda Yurub ee EUFA Champions League, iyadoo ay isku aadeen kooxo markii horeba la saadaalinayay inay isku-aadi doonaan.

Iyadoo wareeggan ay u soo baxeen kooxaha Barcelona, Bayern Munich, Real Madrid iyo Juventus, waxaana isku-aadka oo lagu qabtay magaalada Nyon ee dalka Switzerland lagu shaaciyay sida ay isugu aadeen.

Kooxda Barcelona oo ka dhisay dalka Spain ayaa ku aadday kooxda Bayern Munich oo ka dhisan Jarmalka, iyadoo labadan kooxood ay horay sidan oo kale isugu aaday 2012/2013, markaasoo ay Bayern Munich ay labadii jeer ee la ciyaaray ka adkaatay Barcelona.

Sidoo kale, Real Madrid oo dalka Spain ka dhisan, isla markaana koobkan loo tartamayana ku guuleysatay 11-jeer ayaa iyadana ku aadday Juventus oo ka dhisan Talyaaniga, iyadoo kooxahan ay sidan oo kale isugu soo aadeen sannadkii 2002/2003, xilligaasoo Juventus ay ku adkaatay kooxda reer Spain ee Real Madrid.

Naadiga Juventus ayaa markii u horreysay muddo 12-sanno laga joogo u soo baxday semi-finalka Champions League, iyadoo kooxdan ay hoggaanka u hayso xilligan horyaalka dalka Talyaaniga ee SERIA A.

Dhanka kale, waxaa iyana isla maanta la shaaciyay isku aadka wareega semi-finalka koobka Europa League, waxaana isku beegmay kooxda Napoli oo Talyaaniga ka dhisan iyo kooxda Dnipro oo iyaana dalka Ukraine ka dhisan.

Ugu dambeyn, kooxda Sevilla ee dalka Spain ka dhisan oo koobkan difaacanaysa ayaa ku aadday kooxda Fiorentina oo dalka Talyaaniga, iyadoo lagu tilmaamay ciyaarnahan kuwa ka adag kuwii sanadihii lasoo dhaafay dhacay.

Kooxahan ku tartamaya semi-finalka koobka horyaallada Qaaradda Yurub ayaa waxay si rasmi ah u billaaban doonaan 04-ta bisha May ee soo socota, iyadoo labadii kooxood ee ka soo baxa wareeggaan ay ciyaari doonaan lugta kama dambeysta ah ee koobkan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya