4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 24, 2015
Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay in Muqdisho laga Howl-geliyay Ciidammo Dhar Cad ah


Jimco, Abriil 24, 2015 (HOL) — Afhayeenka booliska Somalia Col. Qaasim Axmed Rooble ayaa maanta sheegay in ciidammo dhar-cad Muqdisho laga howlgeliyay si wax looga qabto xaaladda ammaan ee caasimada Soomaaliya.

Col. Qaasim ayaa xusay in ciidamadan ay ka shaqeyn doonaan sidii ammaanka magaalada Muqdisho loo xoojin lahaa sida uu hadda yahay, isagoo intaas ku daray in ay Ciidamadan dhex-geli doonaan shacabka si ay xogo uga keenaan arrimaha ay dadku ku sheekeystaan.

“Waxay ciidamadan ku milmi doonaan shacabka, waxayna la raaci doonaan gaadiidka dad-weynaha, waxay tegi doonaan goobaha ay shacabku ku badan yihiin si macluumaad badan ay uga keenaan,” ayuu yiri afhayeenka booliiska Soomaaliya.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa intaas raaciyay in hay’adaha ammaanka dowladdu ay amar ku bixiyeen inaan gaadiidka la dhigan karin goobaha ay dadku ku badan yihiin; taasoo uu xusay in looga hortagayo qaraxyada Al-shabaab ay ka geysanayso Muqdisho.

“Ciidamadan dhar cadka ah waa inay dadaalaan, dadweynaha waxaa laga doonayaa inay la shaqeeyaan ciidamadan cusub,” ayuu afhayeenku ku sheegay hadal uu warbaahinta maanta ku siinayya Muqdisho.

Afhayeenka booliiska Soomaaliya oo sii hadlayay ayaa sheegay in toban weerar marka laga hortago ay Al-shabaab fuliso hal weerar, kaasoo dhibaato u geysta dad aan waxba galabsan. Waxaana doonaynaa inaan ka hortagno weerarradaas.

Ugu dambeyn, Col. Qaasim Axmed ayaa rajo ka muujinayaa in tallaabada lagu howlgeliyay ciidamada dhar-cadka ah ay wax ka bedeli doonto xaaladda amni ee Magaalada Muqdisho oo ah caasimadda Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee, tallaabadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo ay toddobaadyadii lasoo dhaafay kusoo kordhayeen Muqdisho weerarrada ay geysanayso Al-shabaab, kuwaas oo isugu jira qaraxyo iyo dilal loo geystay saraakiil ciidamada dowladda Somalia ka tirsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya