4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 24, 2015
Ururka Midowga Yurub oo ku Heshiiyay inay Bur-buriyaan Doomaha Dadka lagu Tahriibiyo


Jimco, Abriil 24, 2015 (HOL) — Madax Ururka Midowga Yurub ayaa ku Heshiiyay inay saddex jibbaaraan lacagaha ay ku maal-galiyaan howlgalka ay uga hortagayaan muhaajirinta faraha badan ee isku-dayaya inay kaga soo tallaabaan Yurub badda Mediterranean-ka.

Kaddib shir deg-deg ahaa oo ay madaxda ururku ku yeesheen magaalada Brussels ee dalka Belgium ay ku meel-mariyeen tallaabooyin lagu qabanayo laguna bur-burinayo doomaha ay ay adeegsadaan dadka wax tahriibiya.

Shirkan ayaa imaanaya kaddib markii ay badda Mediterranean-ka ku dhinteen toddobaadkii lasoo dhaafay in ka badan 800 oo tahriibayaal ahaa, kaddib markii ay doontii ay la socdeen ay kula quustay baddaas.

Dalal badan oo ka tirsan ururka Midowga Yurub ayaa ku deeqay maraakiib, diyaarado iyo shaqaale arrintaan ka shaqeeya, wuxuuna dadaalkaan noqon doonaa kii ugu xoogganaa ee ay Midowga Yurub uga hortagayso tahriibka ka imaanaya Afrika.

Madaxwaynaha golaha Midowga Yurub, Donald Tusk ayaa sheegay in loo baahan yahay in dalalka Yurub ay is-kaashi ballaaran yeeshaan sidii ay uga hor-tegi lahaayeen muhaajirinta Qaaradda Yurub kusoo qul-qulaya.

Xukuumadda Taliyaaniga ayaa horay uga dalbatay Midowga Yurub in gacan laga siiyo sidii loo hor-joogsan lahaa tahriibayaasha waddankeeda soo gaaraya ee ka imaanaya Waqooyiga Afrika, balse arrintaas wax badan kama aysan qaban Midowga Yurub.

Sanadihii ugu dambeeyay ayaa waxaa Talyaaniga iyo jaziirradda Malta oo ay daris yihiin ku qul-qulayay kumannaan muhaajiriin ah oo dalka Liibiya ka tagay, kuwaasoo qaarkood ku dhintay badda Mediterranean-ka intii ay safarka ku jireen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya