4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 24, 2015
Al-shabaab oo dishay guddoomiyihii deegaanka Carabiya oo shalay ay Afduub ku Qabsadeen


Jimco, Abriil 24, 2015 (HOL) — Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa dilay Mukhtaar Max'ed Ibraahim (Muktar Otieno) oo ahaa guddoomiyihii deegaanka Carabiya ka tirsan magaalada Madheera ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya una jirta degmada Mandheera 30-km oo ay shalay afduub ku qabsadeen.

Wararka ayaa sheegaya in gallinkii dambe ee shalay ay Al-shabaab maydka sarkaalkan soo dhigtay soohdinta u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo aan si rasmi ah loo garanayn sababta loo dilay mas’uulkan.

Sidoo kale, warbaahinta dalka Kenya ayaa baahiyay in Al-shabaab ay dowladda Kenya ka dalbatay madax-furasho lacageed oo gaaraysa 4-milyan oo Kenyan Shilling ah, laakiinse ay dowladdu dhegaha ka fureysatay dalabkaas lacageed.

Xukuumadda Kenya iyo Xarakada Al-shabaab wax war ah kama soo saarin dilka Mukhtaar Otieno, iyadoo mas’uulkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo ka tirsan maamulka gobolka Waqooyi-bari oo ay disho Al-shabaab.

Wakiilka deegaanka Carabiya ee baarlamaanka dalka Kenya, C/raxmaan Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Al-shabaab ay gudoomiyaha ka afduubatay deegaanka xilli uu ku socday degmada Mandheera oo uu howlo ugu socday.

Dilka guddoomiyaha Carabiya ayaa kusoo beegmaya iyadooo Al-shabaab ay ku gooddisay dhawaan inay kordhin doonto weerarrada ay ka geysanayso gudaha dalka Kenya.

Si kasta ha ahaatee, horraantii bishan Abriil ayay xoogag Al-shabaab ka tirsan waxay weerar ku qaadeen Jaamacadda Gaarisa ee dalka Kenya kaas oo ay ku dileen ugu yaraan 148-qof oo u badnaa ardaydii Jaamacaddaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya