4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 24, 2015
RW Somalia oo Rajo ka Muujiyay Dib u Howl-gelinta Xawaaladihii ay Kenya Xayirtay (Sawirro)


Jimco, Abriil 24, 2015 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ku sugan dalka Kenya ayaa kala hadlay madaxda Kenya sidii dib loogu furi lahaa shirkadaha xawaaladaha ee ay dhawaan xayiraadda kusoo rogeen.

Wakaallada wararka ee Reuters ayaa daabacday in RW Sharma’arke uu ku saaray cadaadis dowladda Kenya sidii loogu fasixi lahaa shirkadihii ay horay u xayireen howlahooda shaqo, isagoo rajo ka muujiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan dib loogu furi lahaa Xawaaladaha ka howlgala Nairobi.

“Kenya waxay ka shaqeynaysaa sharciyo cusub kuwaasoo Xawaaladaha ay ugu ogolaan lahaayeen howlahooda, bankiga dhexe ee dalka Kenya ayaana arrintan hormuud ka ah,” ayuu yiri RW Sharma’arke oo la hadlayay Reuters.

Sidoo kale, ra’iisul wasaare Cumar ayaa sheegay in tallaabooyin ku KMG ah la sameynayo, iyadoo ay xigi doonaan in la sameeyo sharciyo joogta ah, balse ma uusan caddeyn xilliga rasmiga ah ee shirkadaha Xawaaladaha la fasaxayo.



“Malaayiin qof ayaa ku xiran Xawaaladaha; waxaana jira dadaallo dib loogu eegayo in si KMG ah loogu ogolaado howlahooda,” ayuu hadalkiisa ku daray ra’iisul wasaare Somalia Cumar C/rashiid. iyadoo
Bangiga dhexe ee Kenya uusan weli ka hadalin warkan RW-ha Somalia uu shaaciyay.

Sidoo kale, Sharma’arke ayaa sheegay inuu dhawaan booqan doono dalka Maraykanka si uu ugala hadlo xukuumadda dalkas sidii dib loogu fasixi lahaa Shirkadaha Xawaaladaha ee Soomaalidu ay Mareykanka ku leedahay.

Dalka Maraykanka iyo qaar ka mid ah kuwa Yurub ayaa xayiray qaar ka mid ah shirkadaha Xawaaladaha Soomaalida, taasoo sababtay dhibaatooyin soo food-saara qoysas fara badan oo noloshoodu ay ku xirneyd lacago loo soo marsiiyo Xawaaladaha.

Xayiraadda ay Kenya kusoo rogtay shirkadaha Xawaaladaha ayaa saameyn aad u daran ku yeeshay Soomaali fara badan oo ehelladooda dibadda ku maqan ay lacagaha u soo marsiin jireen; iyadoo xayiraada Xawaaladaha ay saameyn xoogan ku yeelatay hay’adaha gargaarka ee Soomaaliya ka howlgala qaarkood, kuwaasoo shaaciyay inay mashariicda ay kawadaan Somalia.

Si kastaba ha ahaateen, Xukuumadda Kenya ayaa ku weysay xayiraadda ay kusoo rogtay lacago faro badan oo kasoo geli jiray xawaaladaha Soomaaliyeed ka howlgala magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya