4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 24, 2015
Wafdi ay Puntland u Dirtay Xallinta Colaadaha Magaalada Taleex oo la Kulmay Waxgarad

Jimco, Abriil 24, 2015 (HOL) — Wasiir ku-xigeenka wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka Puntland, Cabdullaahi Aadan Toohe iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray deegaanka Xallin oo ku dhow degmada Taleex ayaa la sheegay in ay la kulmeen qaar kamid ah waxgaradka beelo walaalo ah oo ku dagaalamay qaybo kamid ah gobolka Sool.

Waxaa wafdigan ku jira xubno ka tirsan xildhibaanada barlamaanka Puntland oo intooda badan kasoo jeeda gobolka Sool, waxaana wadahadaladan oo shalay bilowday looga hadlay sidii xal looga gaari lahaa colaadahan khasaaraha dhaliyay.

“Hadda waxaan ku guulaysannay in lakala qaado dhalinyaradii hubaysnayd ee maalmahan ku dirirayay deegaanka Taleex “ ayuu yiri wasiir ku xigeenka oo la hadlay warbaahinta gudaha ,waxaana uu ka dalbaday beelaha dagaalamaya in ay nabadda qaataan.

Isagoo intaas ku daray. “Waxaan tacsi u diraya intii ku geeriyootay dagaaladan si lamid ah waxaan caafimaad deg deg ah u rajaynayaa dadkii ku dhaawacmay.“ Wuxuuna tilmaamay in Puntland ay diyaar u tahay marti galinta shir lagu soo afjarayo colaadaha hadda jira.

Ilaa iyo hadda inta la hubo lix qof oo ka kala tirsan dhinacyada dagaalamaya ayaa ku geeriyooday dagaalladii ka dhacay degmada Taleex, waxaana lagu soo waramayaa in hadda ay xaaladdu dagantahay.

Ugu dameyn, maalmo ka hor ayaa waxaa magaalada Taleex soo gaaray ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland ,kuwaasi oo deegaanka u yimid in ay kala dhex-galaan beelaha dirirtu ka dhaxayso ,waxaana labada maamul ee Puntland iyo Somaliland ay dadaal ugu jiraan xal uhelid colaadahan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]