4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 24, 2015
Xasan Sheekh oo shacabka Turkiga kala Qayb-galay xus Qarameed ka dhacay Istanbul (SAWIRRO)


Jimco, Abriil 24, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kaga qayb-galay xuska sannad-guuradii 100-aad ee kasoo wareegtay guulihii  uu ka gaaray Turkiga dagaalkii koowaad ee Dunida xilligii ay dalkaas ka talinaysay boqortooyada Cusmaaniyiinta.

Xuskan oo ay ka qaybgaleen hoggaamiyeyaal caalamka ka kala socda ayaa waxaa bar-bar-socdey shir madaxeed gaar ah oo lagu dhiirigelinayo nabadda caalamka oo dhan.

Hoggaamiyeyaashii dalalka Caalamka ka socday ayaa kulanka ka jeediyay khudbado la xiriira taariikhdii dagaalkii koowaad ee dunida iyo sida caalamka looga dhalin lahaa nabad waarta.

Madaxdu waxay ka hadleen muhiimadda adkeynta nabadgelyada caalamka iyo in si wadajir ah loogu guntado in laga hortago colaadaha, inta badanna laga shaqeeyo xasiloonida guud ee Adduunka.

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia ayaa intii munaasabadda ay socotay kulammo kooban la yeeshay madaxdii Caalamka ka socotay oo uu ugu horreeyo madaxweynaha martida loo yahay ee Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan.

Ugu dambeyn, waxaa kaloo munaasabada ka hadlay khubarro caalami ah oo ku takhasusay taariikhda caalamka, kuwaasoo ka warbixiyay sababihii dhaliyey dagaalkii 1-aad ee Dunida iyo khataraha weli caqabadda ku ah nabadgelyada caalamka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya