4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 24, 2015
RW: Al-shabaab waxay la mid tahay Daacish iyo Boko Haram Dadka Ayayna Cabsi-geliyaan


Jimco, Abriil 24, 2015 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha DF Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegay in Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda federaalka Somalia iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay cabsi-geliyaan shacabka Soomaaliyeed, balse aysan awood u lahayn inay dagaal toos la galaan ciidamada is-bahaysanaya.

Sharma’arke ayaa xusay inaysan Al-shabaab waxba kaga duwanayn Boko Haram iyo Daacish, isla markaana ay tahay urur argagaxiso oo maatida iska si aan kala sooc lahayn u laaya.

“Al-shabaab waa urur argagaxiso… waxay laayaan shacabka. Waxay la mid yihiin ururrrada Daacish iyo Boko Haram oo iyaguna dhibaato ku haya dalal caalamka ka tirsan,” ayuu RW Sharma’arke.

Sidoo kale, RW Somalia ayaa intaas ku daray. “Al-shabaab hadda ma laha awood ay ugu hortegi karto dowladda Somalia iyo ciidamada caaweinaya ee AMISOM; waa koox kusoo koobtay dagaalkeeda qaraxyo iyo inay shacabka argagax-geliyaan.”

Dhawaan ayay Al-shabaab ku hanjabay inay weerarayso xarumaha dowladda ee Muqdisho ku yaalla, iyagoo sidoo kalena ku goodiyay inay beegsan doonaan dalka Kenya haddii aysan ciidamadeeda kala bixin Somalia.

Ugu dambeyn, RW Somalia oo wareysi siinayay Al-jazeera TV ayaa hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay inay dowladdiisu dadaal weyn ugu jirto sidii ay Al-shabaab uga saari lahayd dalka oo dhan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya