4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 23, 2015
SAWIRRO: Xaflad Lagu Mataaneynayay St Paul iyo Jabuuti oo Lagu Qabtay Gobolka Minnesota


Khamiis, Abriil 23, 2015 (HOL) — Kulan lagu mataaneynayay Magaalooyinka St Paul oo ah caasimadda gobolka Minnesota iyo magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ayaa shalay lagu qabtay xarunta maamulka St Paul, iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen kulanka duqa St Paul Chris Coleman iyo qaar ka mid ah golaha deegaanka ee laga soo doorto xaafadaha St Paul.

Waxaa iyagana kulanka soo camiray Jaaliyada Jabuuti ee Minnesota ku nool; iyadoo sidoo kale uu kulanka ku sugnaa ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia, C/weli Sh. Axmed Maxamed oo maalmahan socdaal ku joogay Minnesota iyo xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka.

Madaxa guddiga ka shaqeynayay mashruucan, C/raxmaan Ciise Kaahin ayaa uga warramay HOL mataaneynta Jabuuti iyo St Paul, wuxuuna yiri. “ALLE ayaa mahad oo dhan iska leh, diyaarinta mashruucan waxaan kusoo gudo-jirnay muddo sanad ku dhow; iyadoo kulammo badan kaddib suuro-gal noqotay in maanta qalinka lagu duugo mataaneynta magaalooyinka St Paul iyo Jabuuti; farxad ayayna noo tahay haddaan nahay Jaaliyadda Jabuuti.”

Sidoo kale, Kaahin ayaa u mahad-celiyay dhammaan dadkii hawshaan kasoo shaqeeyay iyo waliba duqa magaalada Jabuuti, Xuseen C/llaahi Qayaad oo uu sheegay inuu soo howlihii looga baahnaa soo dhameystiray.

Duqa magaalada St Paul, Chris Coleman ayaa isna munaasabadda ka sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay mataaneynta magaalooyinkan; waxuuna xusay inay is-dhaafsan doonaan wax badan. Sidoo kale wuxuu intaa ku daray in Jabuuti ay noqon doonta magaaladii 61-aad ee la mataanowda magaalada St Paul ee gobolka Minnesota, isagoo kaga sheegay inay soo dhaweynayaan tallaabadan.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, C/weli Sheekh ayaa isaguna ka hadlay kulanka oo sheegay in muddo lix sano ah uu ka shaqeynayay dalka Jabuuti; isagoo madaxda St Pual u sheegay in Jabuuti ay tahay magaalo nabadeed oo xeeb qurxoon leh.

Waxaa kaloo ka hadlay C/casiis Saalax oo ka tirsan Jaaliyadda Jabuuti ee St Paul ayaa isna sheegay in laga faa’iido doona mataaneyntan waxyaabo fara badan sida Waxbarashada, Dhismaha Magaalooyinka oo aqoon-yahanno la is-dhaafsan doono, barnaamijyo dhaqanna lagu soo bandhigi doono St Paul sida hiddaha iyo dhaqanka Jabuuti.

Dadkii kale ee kulanka ka hadlay waxaa ka mid ahaa; C/maalik Xasan oo ka tirsan ururka dhallinyarada KA JOOG, isla markaana xubin fir-fircoon ka ah Jaaliyadda Minnesota; wuxuuna soo dhaweeyay hawshan isagoo sheegay in dalalka Geeska Afrika ay ka dhaxli doonto il-baxnimo iyo horumar.

Ugu dambeyn, waxaa xusid mudan in bishii Oktoobar ee sannadkii tagay la mataaneeyay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota iyo magaalada Boosaaso ee Soomaaliya.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota, USA