4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 23, 2015
ODAWAA: Ergada dooranaysa Madaxweynaha Maamulka Gobollada Dhexe Waa 350 Xubnood


Khamiis, Abriil 23, 2015 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumadda Somalia, C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa sheegay maanta in ergada soo dooran doona madaxweynaha maamulka Gobollada Dhexe ee Somalia laga dhigay 350-xubnood.

Odawaa oo warbaahinta kula hadlay magaalada Cadaado oo uu ka socdo shirka maamul u sameynta gobollada dhexe ee Somalia ayaa shaaciyay inay isaga iyo madaxda dhinacyada ka qaybgalaya shirka Cadaado ay isku af-garteen inay ergada soo dooranaysa madaxweynaha maamulka ay 350-ergo laga dhigo.

“Xukuumadda Somalia iyo saddexda saxiixayaal ee kala ah, Ximan iyo Xeeb, Galmukdug iyo Ahlusunna Waljamaaca waxay isku af-garteen in ergada soo dooranaya madaxweyanha maamulka laga dhigo 350-xubnood.” Ayuu ku yiri wasiirka hadalkiisa.

Sidoo kale, wasiirka ayaa intaas raaciyay in wasaarada uu wasiirka ka yahay ay si guud ula socon doonto dhismaha maamulka gobollada Galguduud iyo Mudug, ayna fududeyn doonto wax walba oo lagama maarmaan u ah shirka lagu soo dhisayo maamulka gobollada dhexe.

“Bulshada deegaanka way u madax-bannaan yihiin inay maamulkooda soo dhistaan… mana jiri doonto cid ku fara-gelin doonta, wasaaradeydana kuma sameyn doonto fara-gelin, balse kor ayay kala socoon doontaa sida ay wax u socdaan,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri. “Doorka wasaaradeydu waa inay shirka kor kala socoto, wax walba oo lagama maarmaan u ahna ay u fududeyso, si shirku u noqdo mid miro-dhal ah oo lagu dhiso maamul ay yeeshaan gobollada Mudug iyo Galguduud.”

Ugu dambeyn, wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Somalia oo dhowrkii toddobaad ee lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Cadaado ayaa gellinkii dambe ee maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Si kasta oo ay tahay; hadalka wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa imaanaya xilli ay Cadaado ku qulqulayaan ergooyin fara badan oo doonaya inay ka qaybgalaan shirka lagu soo dhisayo maamulka, wuxuuna hadalkiisu meesha ka saarayaa hadalladii hore ee ahaa in in ergada dooranaya madaxweynaha ay tiradoodu noqon doonto 550-xubnood.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya