4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 23, 2015
Askari ka Maqnaa Ciidanka AMISOM oo Maanta laga helay Meel ku dhow Garoonka Balli-doogle


Khamiis, Abriil 23, 2015 (HOL) — Askari ka lumay ciidamada ururka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta laga helay agagaarka garoonka diyaaradaha Balli-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii mudo shan maalmood ah raadinayeen ciidammo ka kala tiran tirsan AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia.

Askarigan ayaa wuxuu ku lumay dagaal Sabtidii Al-shabaab iyo AMISOM ku dhex-maray duleedka deegaanka Leego ee gobolka Shabeellada Hoose, kaas oo ay ku dhinteen saddex askari oo ciidamada Burundi ka tirsan.

Ciidammo ka tirsan AMISOM iyo kuwa xoogga dalka ayaa maanta helay war ku saabsan halka uu askarigani ku sugan yahay, waxay ku guuleysteen inay dib ugu soo celiyaan xeradii uu ka tirsanaa.

Sidoo kale, Askarigan oo u dhashay Dalka Burundi ayaa la helay isagoo ku Hubeysan laba qori oo kuwa fudud ah sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan taliska ciidamada xoogga dalka ee gobolka Shabeellada Hoose.

Taliska howlgalka AMISOM ayaa sheegay Sabtidii in dagaalkaas looga dilay saddex ka mid ah askartooda, saddex kalena looga dhawaacay, balse kuma soo hadal-qaadin warbixinta ay soo saareen askari ka maqan ama ka lumay.

Al-shabaab oo sheegatay mas'uuliyadda weerarka ayaa waxay sheegtay inay dagaalkaas ku dileen shan ka mid ah ciidamada ka socda Burundi ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ee ururka Midowga Afrika hoos-taga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya