4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 23, 2015
Golaha wasiirada oo Maanta ansixiyay hindise sharciyeedka qorista Shaqaalaha Shisheeyaha ah


Khamiis, Abriil 23, 2015 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Somalia ayaa maanta isugu yimid kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-gudoominayay ku-simaha RW Soomaaliya ahna wasiirka dastuurka, Xuseen Maxamed Sh. Xuseen ayaa diiradda lagu saaray amniga guud ee dalka iyo ansixinta hindise sharciyeedka Qeexaya Ajaanibta dalka u imaanaya inay ka shaqeeyaan iyo shuruudaha laga doonayo.

Shirka oo saacado socday ayaa waxaa maanta la horkeenay taliyeyaasha ciidamada dalka, si wax looga weydiiyo xaaladaha amni ee Somalia, gaar ahaan caasimadda iyo qaabka ugu hbaboon ee loo sugi karo ammaanka.

Golaha ayaa aad uga dooday arrimaha amniga oo xukuumadda Somalia ugu jira mudnaanta koowaad, waxayna warbixinno ka dhagaysteen taliyeyaasha booliska, nabad-sugidda iyo abaanduulaha ciidamada xoogga Dalka.

Hay’adaha ammaanka ayaa ka warbixiyay sida ay habeen iyo maalin ciidamadu diyaar ugu yihiin wax-ka-qabashada ammaanka, haddana ay dhici karto in nabad-diidku ay geystaan falal is-qarxin ah oo ay la beegsanayaan meelaha ay shacabku isugu yimaadaan. iyadoo lagu sheegay kulanka in looga fadhiyo shacabka inay la sameeyaan xiriirro joogta ah hay'adaha amniga si looga wada-qayb-qaato ilaalinta nabadgalayada shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa isna ka warbixiyay dadaallada ay wado wasaaraddiisa ee ku aaddan isku-dhafka ciidamada ku kala firirsan gobollada dalka, wuxuuna xusay inay meel fiican maryso; isla markaan ay ku rajo-weyn yihiin in la helo ciidan Qaran. Wuxuuna xusay inay ku howlan yihiin sidii ay ciidamada u xoojin lahaayeen una heli lahaayeen qalab ay ku howl-galaan.

Ugu dambeyn, Golaha Wasiirrada waxay ka dooday Hindise Sharciyeed ay soo diyaarisay Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha oo ku saabsan shaqaalaha Ajaanibta ah ee ka shaqeeya Dalka. Waxaana sharcigani farayaa Ajaanibta inay marka hore helaan dal-ku-gal (Visa), kaddiba la siiyo ruqsad shaqo iyo inaysan qaban karin shaqo xirfadeed uu qof Soomaali ah qaban karo. Dood dheer kaddib golahu wuxuu meel-mariyay sharcigaan, waxaana loo gudbin doonaa golaha baarlamaanka Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya