4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 23, 2015
Shirweynaha Golaha Xuquuqul Aadanaha Afrika ee Gambia oo Lagu soo Bandhigay Tacadiyada Somalia


Khamiis, Abriil 23, 2015 (HOL) — Shir-weynaha 56-aad ee Golaha Qaaradda Afrika u qaablisan Xuquuqda Aadanaha oo ka socda caasimadda dalka Gambia ee Banjul ayaa lagu soo bandhigay tacdiyada Xuquuqul Aadanaha ee ka dhacay dalalka Somalia iyo Suudaan.

Guddoomiyaha Guddiga Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika, Xasan Shire Sheekh ayaa shirweynahan kusoo bandhigay tacadiyada Xuquuqda Aadanaha ee ka dhaca waddamada ku yaalla Bariga iyo Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, Kenya, Jabuuti, Eritrea iyo weliba dalka Itoobiya.

Xasan Shire oo ka hadlay shirweynaha 56-aad ee Golaha oo haatan ka socda Hotel Kairaba Beach oo ku yaalla magaalada Banjul ee caasimadda dalka Gambia ayaa faahfaahin guud ka bixiyey waxyaabihii ay guddi ka mid ah guddiga uu hoggaaminayo kala soo kulmeen Soomaaliya safar howleed ay dhawaan ku tageen Muqdisho.

Sidoo kale, Xasan Shire ayaa carrabka ku dhuftay inay Soomaaliya weli ka jiraan tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, iyadoo safarkii Soomaaliya ay ka hadashay, Madam Reine oo sheegtay inay lasoo kulmeen xubno ay ka mid yihiin; madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh, xildhibaanno iyo weliba difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee Somalia ka shaqeeya, dhamantoodna ay gaarsiiyeen inay muqadas tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Waxaa kaloo shirka ka hadashay difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee ka socday dalka Sudan, Amir Suleymaan iyo Marwo Abbas oo ka warbixiyay tacadiyadda ay dowladda Suudaan ku hayso siyaasiyiinta, suxufiyiinta iyo dadka wax-galka ah.

Amiir Suleymaan wuxuu aad u dhaliilay qaabkii ay u dhacday doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday dalka Suudaan oo uu ku tilmaamay inay ahayd mid lagu shubtay shubasho; shacabka Suudaanna aysan intooda badan soo aadin goobaha doorashada.

Doorashada ayaa waxaa mar kale ku guuleystay, Jen. Cumar Xasan Al-bashiir oo uu ku tilmaamtay kaligii-taliye caqabad ku ah dimuquraadiyada, xorriyadda iyo weliba Xuquuqda Aadanaha Sudan.

Dhinaca kale, Madaxa Dalladda Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SIMHA, ahna Agaasimaha Idaacadda Dalsan, Xasan Cali Geeseey ayaa isna khudbad uu ka jeediyay shirka faahfaahin kaga bixiyay xaaladda adag ee ay ku sugan yihiin suxufiyiinta ka hawlgala gudaha Somalia, isagoo xusay inay Somalia ka dhacaan xad-gudubyo bani’aadamnimada ka baxsan iyo inay suxufiyiintu u nugul yihiin in dhibaatooyin loo geysto.

“Tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha waxay ku yimaadaan siyaabo kala duwan, gaar ahaan Somalia oo kasoo kabanaya diiftii colaadihii dalka ka dhacay,” ayuu Geeseey yiri, isagoo diiradda saaray xad-gudubyada liddiga ku ah warbaahinta Soomaaliya.

Geeseey wuxuu kaloo ka hadlay sida ay Dalladda SIMHA u diiwaan-geliyaan tacadiyada lagula kaco suxufiyiinta iyo xarumaha warbaahinta Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Somalia ka mid tahay dalalka ugu khatarta badan ee ay suxufiyiin ka hawlgalaan, marka laga soo tago dalalka Ciraaq iyo Siiriya.

“Qiyaastii 49 suuxfiyiin oo ka hawl-geli jiray idaacadaha, telefishinnada iyo madbacadaha dalka ayaa lagu dilay Soomaaliya, laga soo billaabo sannadkii 1992-kii oo uu dagaalka sokeeye ka billowday Somalia illaa sannadkii 2013-kii,” ayuu khudbaddiisa ku sheegay guddoomiyaha Dalladda SIMHA.

Ugu dambeyn, Xasan eeseey wuxuu hoosta ka xariiqay in suxufiyiintii lagu dilay Somalia oo dhamaantooda rag ahaa la dilay xilli ay dabagal ku hayeen tacadiyada siyaasadeed iyo kuwa dagaal ee ka dhacay Soomaaliya.

Shirka 56 ee Golaha Xuquuqda Adaanaha ee Afrika (The African Commission on Human and Peoples' Rights (ACHPR) ee ka socda Gambia ayaa waxaa looga hadlayaa Xaaladda Xuquuqda Aadanaha iyo dimuquraadiyadda haatan ka jirta Afrika. Iyadoo shirkaan lasoo gaba-gabeyn doono 07-da bisha May ee Sannadkan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya