4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 23, 2015
Wasiir ka Tirsan Maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed oo beeniyay in lagu Xiray Muqdisho


Khamiis, Abriil 23, 2015 (HOL) — Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha maamulka KMG-ka ah ee Koonfur-gabeed Soomaaliya, C/llaahi Sheekh Xasan ayaa beeniyay inay ciidammo ka tirsan nabad-sugidda Somalia ku xireen Muqdisho.

C/llaahi Sheekh Xasan ayaa sheegay in wararka arrintan la xiriira oo ay BBC-du baahisay aanay waxba ka jirin; isagoo xusay inuu ka xun yahay in warkaas ay idaacaddaas oo meel walba oo dunida laga dhageysto faafiso warkaan.

“Ma jirto cid aniga i xirtay waxaan joogaa gurigeyga oo Muqdisho ku yaalla, anigoo saakay maqlay warka ah in ciidamada sirdoonka dowladda ay i xireen, laakiinse hadalkaas waa mid aanay waxba ka jirin oo been abuur ah,” ayuu yiri C/llaahi Sh. Xasan.

Sidoo kale, wasiirka ka tirsan maamulka Koonfur-galbeed ayaa dhawaan ka dhawaajiyay in la calaamadeeyay soohdinta uu maamulka Koonfur-galbeed la wadaago gobolka Banaadir, isla markaana taliye qaybeed amniga sugaya loosoo magacaabay.

Goobta la calaamadeynayay ayaa waxaa weeraray ciidammo ka tirsan kuwa nabadsugidda Somalia, iyagoo kala eryay xubnihii ku howlanaa calaamadeynta soohdinta deegaannada uu maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed ka taliyo iyo gobolka Banaadir u dhexeeysa.

Ugu dambeyn, maamulka Koonfur-galbeed Somalia iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa maalmahaan waxaa u dhaxeeyay khilaaf la xiriira xuduudda gobolka Banaadir iyo gobolka Shabeellada Hoose oo uu ka taliyo maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya