4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 23, 2015
Wafdi isugu jira Wasiirro, Xildhibaanno iyo Safiirro Maanta Gaaray Beledweyne [SAWIRRO]


Khamiis, Abriil 23, 2015 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka dhalinyarrada iyo cayaaraha xukuumada Somalia, Maxamed C/llaahi Xasan [Nuux], isla markaana ay ka mid yihiin wasiir ku-xigeenka gaashaandhigga, wasiir-u-dowlaha xafiiska RW-ha, safiirka dalka Jabuuti ee Somalia, safiirka Liibiya, Masar, Kuwait, Sucuudi Carabiya iyo kan Jaamacadda Carabta ayaa maanta soo gaaray magaalada Beledweyne.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Beledweyne kusoo dhaweeyay mas'uuliyiinta ugu sareeya maamulka gobolka Hiiraan oo uu horkacayo guddoomiyaha gobolka, C/fataax Xasan Afrax.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa siweyn uga mahad celiyay booqashada wafdiga ballaaran ay maanta ku gaareen Beledwyene, isagoo ku amaanay ciidammada dowladda iyo kuwa midowgga Africa AMISOM sidda ay uga shaqeeyeen nabad-galyada suurtagalisay in wafdigan oo kale ay ku soo dhiiradaan magaalada Beledweyne.

Wafdiga ayaa kormeeray biyo xireenno lagu sameeyay meelaha inta badan uu wabiga ka soo fatahi-jiray taasoo iska kaashadeen maamulka degmada Beledweyne iyo dowladda Jabuuti.

Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaradaha dowladda Somalia Ma'med C/llaahi Xassan [Nuux] ayaa dhinaciisa ka mahad celiyay soo dhaweynta ballaaran ee loo sameeyay, wuxuuna ku ammaanay guud ahaan ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM dadaalka xooggan ee ay u galeen sugidda ammaanka, si gaar ah waxaa uu wasiirrku u xusay ciidammada Jabuuti oo sidda uu sheegay ka qeyb-qaatay dib u soo nooleynta adeegyadii bulshada iyo u gargaarida dadka dhibaateysan.

Wafdiga ayaa noqonaya kii ugu ballaarnaa oo sanadihii ugu danbeeyay mar kale soo gaaray magaalada, waxaana uu safarkooda kusoo beegmayaa xilli dhawaan la filayo inuu ka furmo magaalada Beledweyne shir-weyne dib-u-hishiisiineed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya