4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 23, 2015
Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi-bari ee Dalka Kenya oo loo Magacaabay Taliye Booliis


Khamiis, Abriil 23, 2015 (HOL) — Taliye booliis ayaa maanta loo magacaabay magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya, kaddib markii shaqada laga eryay saraakiil sare oo ka tirsanaa maamulka Gaarisa.

Shadrack Maithya ayaa waxaa loo magacaabay taliyaha Gaarisa, iyadoo uu ku dhawaaqay magacaabistiisan, taliyaha guud ee booliiska Kenya, Joseph Bainnet, isagoo sidoo kalena u magacaabay ku xigeenkiisa Nicholas Maina.

Baringo ayaa sidoo kale taliyihiin booliiska Gaarisa, Hassan Barua u magacaabay taliyaha booliiska magaalada Nakuru isagoo belaya taliyihii hore ee magaaladaas, John Koki oo isna loo belay taliska dhexe ee booliiska Kenya.

Sidoo kale, waxaa isna taliyaha booliiska deegaanka Turkana loo magacaabay, Emmanuel Karisa, iyadoo isku shaandheyntan ay imaanayso xilli uu dhawaan uu shaqooyinkii ka eryay wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Joseph Nkaissery sagaal sarkaal oo ka tirsanaa saraakiisha booliiska Gaarisa.

Isku-shaandheyntan ayaa kusoo beegmaysa kaddib Weerarkii ay Xoogag ka tirsan Kooxda Al-shabaab ay ku qaadeen horraantii bishan Abriil Jaamacadda Gaarisa, halkaasoo ay 148-qof oo u badan ardaydii Jaamacaddaas dhiganayay ku dileen.

Ugu dambeyn, xubnaha aan xilalka loo magacaabin ayaa waxaa ka mid ah; guddoomiyihii deegaanka Gaarisa, Njenga Miiri  iyo xiriiriyihii magaaladaas, Ernest Munyi iyo xubno kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya