4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 23, 2015
Ahlusunna oo Shaacisay in Dowladda Somalia ay ka Taageerayaan Dagaalka ay kula jirto Al-shabaab

Khamiis, Abriil 23, 2015 (HOL) — Gudoomiye ku-xigeenka ururka Ahlusunna Waljamaaca ee Koonfurta Soomaaliya, Sheekh Xasan Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ka go'an tahay inay dowladda Somalia ka taageerayaan dagaalka ay kula jirto Xarakada Al-shabaab.

Sheekh Xasan Cali ayaa xusay in ciidanka Ahlusunna ee Koofureed Somalia ay diyaar u yihiin gacansiinta ciidamada millateriga Somalia si looga hortago dhibaatada Al-shabaab ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada Ahlusunna ee gobollada Koofureed ayaa dowladda Soomaaliya ka taageera inta badan dagaalka Al-shabaab, waxayna hadda leeyihiin inay sii xoojinayaan taageeradaas.

“Waxaa naga go’an haddaan Ahlusunna Waljamaaca Koonfurta Soomaaliya nahay waxaa naga go’an inaan gacan ka siinno dowladda Somalia sidii aan  uga gacan siin lahayn sidii deegaannada y kus ugan tahay Al-shabaab looga saari lahaa,” ayuu hadalkiisa ku daray Sheekh Xasan Cali.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka Ahlusunna ee Koonfurta Somalia ayaa uga digay ciidamada Ahlusunna Waljamaaca inay waxyaabaha maanka-dooriya isticmaalaan, sidoo kalena aysan dhac u geysan shacabka.

“Ciidamada sharaftooda waxay ku jirtaa inaysan cunin waxyaabaha maanta dooriya oo uu ka mid yahay Jaadka, Qamriga IWM, sidoo kalena aysan dhac u geysan shacabka ay difaacayaan, taasina waa mid ku jirta sharafta guud ee ciidamada Ahlusunna,” ayuu hadalkiisa raaciyay guddoomiye ku xigeenka Ahlusunna ee Koonfurta Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Sh. Xasan wuxuu uga digay in ciidamada Ahlusunna ay noqdaan Jawaasiis gacan siiya Al-shabaab, isagoo sheegay in ruuxii ka mid ah ciidamada Ahlusunna ee basaas noqda uusan ciidamadooda kasii mid ahaan doonin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya