4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 23, 2015
Kooxo Hubeysan oo Sarkaal ka Tirsan Milateriga Somalia Saaka ku dilay Degmada Wadajir

Khamiis, Abriil 23, 2015 (HOL) — Dabley ayaa saaka ku toogtay Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir sarkaal ka tirsan millatariga dowladda Soomaaliya, iyadoo kooxaha dilka geystay ay baxsadeen.

Sakraalka la dilay oo lagu magacaabi jiray C/qaadir Sabriye ayaa waxaa dad goobjoogayaal ahi ay sheegeen in rag bastoolado bastoolado ku hubeysan ay dhowr jeer oo isku xigta toogteen.

“Dilku wuxuu dhacay xilli uu sarkaalku goobta ku sugnaa, waxaana toogtay dhallinyaro bastoolado ku hubeysa oo markiiba baxsaday,” ayuu yiri mid ka mid ah goobjoogayaashii ku sugnaa halka uu dilku ka dhacay.

Ciidamada nabadsugidda dowladda Somalia iyo kuwa booliiska oo gaaray goobta uu dilku ka dhacay ayaa baaritaanno sameeyay, kuwaasoo ay kusoo qabqabteen tiro dhallinyaro ah oo ay la xiriirinayaan dilka.

Ma jirto illaa hadda cid sheegatay mas’uuliyada dilka sarkaalkan, balse inta badan dilalka noocan oo kale ah oo ka dhaca Muqdisho ayaa waxaa sheegata Xarakada Al-shabaab ee Somalia.

Toogashada sarkaalkan ayaan ahayn markii ugu horreysay oo Muqdisho laga geysto, iyadoo dhowr jeer oo hore degmada Wadajir lagu dilay xildhibaanno iyo saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay dilal dhowr ah oo ka dhacay Muqdisho, iyadoo dilkan uu imaanayo xilli dhawaan qaraxyo ay ka geystay Al-shabaab gudaha magaalada Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya