4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 23, 2015
Shir looga hadlay Warbaahinta Dalalka Bariga Afrika oo lagu Qabtay Magaalada Kampala (SAWIRRO)


Khamiis, Abriil 23, 2015 (HOL) — Shir ay soo qaban-qaabiyeen hay’adda Africa Media Initative (AMI) iyo hay’adda Rockfeller Foundation laguna marti-qaaday madaxda war-baahinta geeska Afrika ayaa lagu qabtay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Ujeeddada shirkaan ayaa ahaa maareynta milkiilayaasha Warbaahinta iyo Xaq-dhowrka Shaqaalaha Warbaahinta. Waxaana kasoo qayb-galay, madaxda warbaahinta ee Wadamada Somalia, Itoobiya, Jabuuti, Eritrea iyo Uganda oo ah dalka marti-galayey.

Waxaa ugu horreyntii halkaas warbixin soo dhaweyn iyo wax-qabadka hay’adda Africa Media Initative (AMI) kasoo jeediyeen Wangethi Mwangi iyo Roukaya Kasenally oo ka mid ah madaxda sare ee hay’adda AMI.

Waxaa shirkaas si weyn looga dooday qodobo ay ka mid-yihiin;

A. Xoojinta maamul-wanaahga madaxda Warbaahinta
B. Hab-dhaqanka iyo Wanaajinta xirrirka madaxda Warbaahinta iyo wariyayaasha
C. Ka Ganacsiga Warbaahinta

Waxaa halkaas warbixino kasoo jeediyey madaxda Warbaahinta ee:

1. Robert Kabusenga, madax warbaahinta New Vision, Uganda
2. Axmed Guure, madaxa shabakadda Hiiraan Online
3. Mohamed Mohamoud Kadieh, madax Le Nation, Djibouti
4. Maxamed Cusmaan, Madaxa idaacadda Star FM
5. Teguest Yilma, madaxa jaraa’idka Capital ee Addis Abab

Ugu dambeyn, waxaa halkaas warbixin dheer kasoo jeedisay madax hay’ada Rockeffeler foundation ayada oo faahfaahisay waxqabadka hay’adda ee qaaradda Africa. Waxay ku buurisay ka soo qay-galayaasha shirka inay galaan shabakadda Rockeffeler Foundation halkaasoo ay ka heli karaan macluumaat lagu kaalmeyno qaybaha kala duwan ee bulshada sida horumarinta.

Waxaa sidoo kale shirkaas ka soo qay-galay wariyayaal Soomaaliyeed oo ka howl-gala magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya