4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 23, 2015
Mudaaharaad ka dhan ah Ururka DAACISH oo ka dhacay Magaalada Addis Ababa (SAWIRRO)


Khamiis, Abriil 23, 2015 (HOL) — Fagaaraha Meskel ee xarunta Itoobiya ee Addis Ababa ayaa waxa shalay ka dhacay bannaanbax ballaaran oo looga soo hor-jeeday falkii kooxda Daacish ku gowraceen masiixiyiin u dhashay dalka Itoobiya.

Mudaaharaadayaasha ayaa ku dhawaaqayay erayo looga soo horjeedo falkii lagu gowracay tahriibayala Itoobiyaan ah oo masiixiyiin ahaa, kuwaa ISIL ay soo bandhigeen iyagoo gowracaya qaarkoodna tooganaya.

Dibadbaxayaasha ayaa waxaa ka muuqatay caro xooggan oo ay falkaas uga soo hrojeedaan; iyadoo aysan weli dowladda Itoobiya si dhab ah uga hadlin dilka muwaadiniintooda lagu dilay Itoobiya, inkastoo ay xaqiijisay in dadka la dilayo ay yihiin dad Itoobiyaan ah.

“Waxaan ka dalbanaynaa dowladda inay u aarguddo muwaadiniinteeda lagu laayay dalka Liibiya. Kooxda Daacish waa cadowga bani’aadamka,” ayaa ka mid ahaa eryadii ay ku dhawaaqayeen dibad-baxayaasha.

Qaar ka mid ah ehellada Itoobiyaankii lagu laayay Liibya ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda Itoobiya inay xirto xadka si aysan dhallinyarada dalkaasi Tahriib ugu gudbin Liibiya oo hadda ay kasoo korortay baqdin weyn.

Dibadbaxa ka dhacay fagaaraha Meskel ee Adis Ababa ayaa markii dambe rabshado isku badalay; kaddib markii ay isku dhaceen ciidamada booliiska Itoobiya iyo dhallinyaro mudaaharaadka ka qeyb qaadanayay kuwaasoo dhagaxaan tuurayay.

Ugu dambeyn, baarlamaanka Itoobiya oo ka dooday jawaabtii ay Itoobiya ka bixin laheed falka kooxda ISIL ku laysay muwaadiniinta u dhashay dalkaasi ayaan wali go'aan laga garain, waxayna xkukuumadda Itoobiya ugu baaqday muwaadiniintooda inay ka fogaadaan goobaha ay joogto kooxda Daacish.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya