4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 22, 2015
Ciidanka Maamulka Gobolka Hiiraan oo Maanta Howl-gal Ballaaran ka Sameeyay Buula-burte


Arbaco, Abriil 22, 2015 (HOL) — Degmada Buula-burte oo ka mid ah deegaanada gobolka Hiiraan ee laga saaray Al-shabaab sanadkii hore ayaa howlgal ballaaran oo ay ka sameeyeen ciidamada maamulka gobolka Hiiraan, waxaa ay ku soo xir xireen tiro dad ah oo la tuhusan yahay.

Col. Maxamed Ibraahim Baakaay ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka laga sameeyay Buula-burte ujeedadiisu aheyd xaqiijinta ammniga degmada oo sidda uu hadalka u dhigay hadda ah mid siweyn leysugu haleyn karo.

“Howlgalka ay ciidammada sameeyeen waxaan ku soo xir xirnay llaa 20 ruux oo la tuhusan yahay in ay falal amaan darro ka wadeen degmada, baaritaan ayaa ku socda, haddii danbi laga waayana waa la sii deynayaa haddii kalana maxkamad ayaa la hor -geyn doonaa ayuu yiri'' Gashaanle Baakaay.

Magaalada Buula-burte oo soo martay waqti dheer oo Al-shabaab ay go'doon ku hayeen ayaa hadda la leeyahay meel qaar gadiidku waxaa ay bilaabeen in ay si toos ah degmada u tagaan, kaddib howlgalo is daba jooga ah oo ay sameeyeen ciidammada maamulka gobolka Hiiraan oo gacan militari ka hellaya kuwa midowgga Africa AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya