4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 22, 2015
Ciidammo ka Tirsan kuwa Somaliland oo Maanta gaaray Magaalada Taleex ee Gobolaka Sool


Arbaco, Abriil 22, 2015 (HOL) — Ciidamada Somaliland ayaa maanta gaaray magaalada Taleex ee gobolka Sool; kaddib markii dagaal sababay dhimasho, dhaawac iyo barkac uu maalintii shalay ahayd ka dhacay degmadas, kaasoo u dhexeeyey laba beel oo wada-dega degmadaas.

Ciidanka gaaray Taleex oo ahaa kuwo aad u tiro badan ayaa waxay ka sameysteen saldhig dhigtay deegaan ku yaalla duleedka degmadaas, sida uu HOL u sheegay Sheekh Maxamed Maxamuud oo ka mid ah culummada  Taleex.

Sidoo kale, C/rashiid Xirsi Dalmar oo ah guddoomiye ku xigeenka gobolka Sool ayaa isna HOL u sheegay inay ciidamadan u tageen si ay ammanka degmadaas u sugaan.

"Ma ahayn ciidamadu duullaan ee waa kuwo doonaya inay wax ka qabtaan colaadda labada beelood u dhexeysa, waxaana rajeynayaa in waqti dhow ay guurti iyo wasiiro ka socda Somaliland hawshaasi u yimaadaan Taleex,” ayuu C/rashiid Dalmar u sheegay HOL.

Degmada Taleex ayaa dagan maanta; iyadoo ay jiraan waxgarad iyo madax-dhaqameedyo halkaas gaaray, kuwaasoo uu ka mid yahay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo maanta ku hawlanaa sidii xaalka loo danin lahaa.

Ugu dambeyn, barakac ballaaran ayaa ka dhacay degmada Taleex oo muddo sanad iyo bar ah ku dhow kasoo kabanaysay barakac faarujiyay magaalada markii ciidamada maamulka Puntland ay isku dhaceen dabley deegaanka ka tirsan; kaasoo sababay aafada colaadeed ee soo noq-noqonaysa.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool