4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 22, 2015
Baarlamaanka Somalia oo Lacag ugu Deeqay soo Celinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee Dalka Yemen


Arbaco, Abriil 22, 2015 (HOL) — Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shir ay maanta ku yeesheen Muqdisho ku go'aamiyay in baarlamanka Somalia uu lacag ugu deeqo dib u soo celinta Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yemen.

Shirkan oo ahaa kii 55-aad ee guddiga joogtada ah ay yeeshaan ayaa waxaa shir-gudoon ka ahaa guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen labadiisa ku xigeen; iyadoo ay kulankaan ka qayb-galeen guddoomiyeyaasha guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka iyo xoghayaha.

Ajandaha shirkan looga hadlay ayaa ahaa xaaladda ay Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ku sugan yihiin iyo sidii dib loogu soo celin lahaa waddankooda; iyadoo warbixin arrintan la dhageystay guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee baarlamanka Cabdulqaadir Cosoble Cali oo kulanka ka akhriyay warbixin uu guddigooda kasoo diyaariyay Qoxootiga.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Somalia, Mahad C/lle Cawad oo markii kulanka lasoo gabagabeeyay la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in guddiga joogtada ah ay go'aamiyeen in baarlamaanku ku deeqo lacag gaaraysa 300,000 oo doollar, taasoo dib u soo celinta Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Yemen, iyadoo lacagtan laga jaray mushaarka ay qaataan xildhibaannada baarlamaanka Somalia iyo howl-wadeennada kale ee baarlamaanka.

Dhinaca kale, guddoomiye ku xigeenka ayaa tilmaamay in baarlamaanku la Tashiyo kala yeelan doono xukuumadda, maamulka gobolka Banaadir iyo maamul-goboleedyada dalka sidii qoxootigan oo lagu qiyaasay 750,000 oo qof dib u dajin loogu sameyn lahaa; waxayna baaq u direen hay'adaha kale ee dowladda Somalia, maamul-goboleedyada iyo qurba-joogta Soomaaliyeed oo ay ku booriyeen inay ka qayb ka qaataan sidii qoxootiga Soomaaliyeed dalkooda loogu soo celin lahaa.

Ugu dambeyn, war-saxaafadeed kasoo baxay guddoonka baarlamaanka ayaa lagu sheegay in fulinta arrintan loo xilsaaray inay raad-raacyo ku sameynaya gudiyada arrimaha dibadda, arrimaha gudaha, xuquuqul insaanka iyo arrimaha bulshada ee baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya