4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 22, 2015
Golaha Qurbo-joogta Soomaaliyeed oo Koonfur Afrika Weydiistay in ay Ilaaliso Amniga Somalida


Arbaco, Abriil 22, 2015 (HOL) — Qurbo-joogta Soomaaliyeed ee caalamka ku kala nool ayaa muujiyay walaaca xooggan ee ay ka qabaan xad-gudubyadda loo geysanayo bulshada Soomaliyeed ee Wadanka Koonfur Afrika ku nool; kuwaasoo ay sheegeen inay yihiin kuwo nabadda jecel.

War-saxaafadeed uu soo saaray golaha qurbo-joogta Soomaaliyeed ee GSD Global Somali Diaspora ayaa lagu sheegay in Soomaalida ku nool Koonfur Afrika si joogto ah loo dilo, xoolahoodana la bililiqeysto; isla markaana lagula kacaa falal gurracan oo joogto ah; kuwaasoo wax qiil ah aan heli karin.

Golaha Qurbo-joogta Soomaaliyeed ayaa xusay inay ka xun yihiin sida aysan waxba uga qabanayn dowladda Koonfur Afrika dambiilayaasha falalka foosha xun u u geysanaya Soomaalida iyo Ajaanibta kale ee Afirkaanka ah. Iyagoo intaas ku daray inay si adag u cambareynaynaa fal-dambiyeedyadan.

“Waxaan ku guubabinaynaa xukuumadda Koonfur Afrika inay caadaalada hor-keento kuwa mas’uulka ka ah dambiyadaas,“ ayaa lagu yiri warbixinta uu soo saaray golaha Qubo-joogta Soomaaliyeed.

Sidoo kale, golaha ayaa sheegay inay xaqiijinaynaa walaalaheena Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika lagu dhibaateeyo in xanuunka aanu kaligood ku ahayn; isla markaasna ay muhiim tahay in sharaftooda iyo ammankoodaba la dhowro. Falalka lidka ku ah muwadiinta Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ay yihiin kuwo liddi ku ah Xaquuqul Insaanka.

“Kuwa geysana dambiyadan waxuush-nimadda ah waa kuwo aan la socon taariikhda soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Koonfur Afrika ka dhaxaysa xiligii nimaadkii midab-kala-sooca uu ka jiray waddankaas. Shacab-weynaha Soomaaliyeed iyo dowladahoodii horeba waxay garab-is-tageen walalahooda reer Koonfur Afrika xiligii midab-takoorka. Imikana waxaan uga rajeynaynaa dowladda Koonfur Afrika inay dhowrto ayna ilaaliso sharafta iyo xaquuqda bulshadda Soomaaliyeed ee dalkeeda ku nool,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Golaha  Qurbo-joogta ayaa war-saxaafadeedkooda ku xusay in Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika waa dad nabadda jecel oo guul ka gaaray ganacsiga ay waddankaas ka abuureen; kuwaasoo wax weyn dhaqaalaha waddankaas kusoo kordhiyay, balse waxaa loogu abaal-guday dil iyo dhac aanay cidna wax ka qaban, kuwa geystana aan lagula xisaabtamin.

“Qurba-joogta Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ku nool waa kuwo mudan in xukuumadda Koonfur Afrika ay ka difaacdo falalka jinsi-nacaybka ah ee ay ka geysanayaan wadankaas dambiilayaashu. Waxaa la joogaa xiligii dowladda Koonfur Afrika ay wax ka qaban lahayd dambiyadan ka dhanka ah xaquuqda Aadanaha,” ayaa mar kale lagu yiri war-saxaafadeedka GSD.

Ugu dambeyn, goluhu wuxuu xukuumadda dalka Koonfur Afrika ugu baaqay inay soo af-jarto weerarrada jinsi-naceybka ah ee Soomaalida loo geysto. Iyagoo ku xusay qoraalkooda inay sii wadi doonaa abaabulida iyo iskaashiga bulshadda Soomaaliyeed ee Koonfur afrika si ay nabad-galyadooda ugala xisaabtamaan xukuumadda Koonfur Afrika.

Zakariye Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
London, Dalka Britain