4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 22, 2015
Madaxweyne Xasan oo ka Qayb-galaya Xuska guulihii uu Turkigu ka gaaray Dagaalkii koowaad


Arbaco, Abriil 22, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga kaga qaybgali doona shir-madaxeed lagu dhiirri-gelinayo ammaanka Adduunka iyo xuska guushii ay ciidamadii Turkiga ka gaareen dagaalkii koowaad ee Dunida, xilligii ay ka jirtay dalkaas boqortooyadii Cusmaaniyiinta.

Xasan Sheekh iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Caalamka ayaa ka qayb-geli doona munaasabadaha shirka iyo xuska isugu jira oo si rasmi ah u billaaban doona maalinta berri oo taariikhdu ay ku beegan tahay 23-ka Abriil.

Waxaa la filayaa inta munaasabadahani ay socdaan in madaxweyne Xasan Sheekh uu la qaato kulammo madaxda dalka Turkiga iyo hoggaamiyeyaasha kale ee kasoo qayb-galaya munaasabadahan is-bar-bar socda .

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa socdaalkiisa ku wehliya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya; kuwaasoo ka mid ahaa wafdigii u raacay dalka Jordan oo uu kaga qaybgalay shir-madaxeed caalami ah.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intaanu imaan dalka Turkiga ayaa wuxuu magaalada Aqaba ee dalka Jordan kaga soo qeybgaley shir-weyne looga hadlayay amniga Geeska Afrika iyo Qaababka ugu habboon ee looga hortagi karo argagixisada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya