4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 22, 2015
Puntland oo Maanta hawlgelisay Markabkii ugu horeeyay oo Ilaalin doona xeebaheeda (Sawirro)


Arbaco, Abriil 22, 2015 (HOL) — Maamul-goboleedka Puntland ayaa maanta howlgelisay markabkii ugu horreeyay oo ciidanka ilaalada baddaha Puntland leeyihiin, kaasoo ilaalin doonaha xeebaha maamulkaas, iyadoo munaasabad lagu shaacinayay howlgalka markabkan iyo shaqadiisa lagu qabtay maanta dekedda magaalada Boosaaso.

Xafladda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka kalluumaysiga Puntland, Cabdinuur Cilmi Biindhe, guddoomiyaha gobolka Bari, duqa Boosaaso, saraakiil ciidan iyo madax ka socday hay’ada Somali Security Service (SSS) oo Puntland ka caawisay hirgelinta markabkan.

Wasiirka kalluumaysiga iyo kheyraadka badda Puntland, Cabdinuur Biindhe ayaa xafladda ka sheegay in markabkan uu ka qayb-qaadan doono ilaalinta xeebaha Puntland uuna ka hortegi doono maraakiibta sida sharci-darrada ah u jarriifta khayraadka badaha Puntland.

Sidoo kale, C/nuur Biindhe ayaa ciidamada markabkan ku howlgalaya kula dar-daarmay in ay soo qabtaan doonyaha sida sharci-darrada ah uga kalluumaysanaya xeebaha Puntland, sidoo kalana ay ilaalo habeen iyo maalin ah ka sameeyaan xeebaha.

Madaxa hay’adda SSS, C/wali Cali Taar ayaa isna xaflada sheegay hirgelinta markabkan inay ka dambeysay kaddib markii madaxweynaha Puntland uu bulshada ugu baaqay inay isku-tashadaan, isla markaana uu sheegay inay xaalufin ka socoto xeebaha Puntland iyo kuwa kale ee dalka, kuwaasoo ay si sharci-darro ah u gurtaan khayraadka ku jira maraakiib shisheeye.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha gobolka Bari, C/samada Maxamed Galan ayaa isna hoosta-ka-xariiqay muhiimadda markabkan uu u leeyahay shacabka ku dhaqan Puntland, isagoo xusay in xeebaha Puntland lagu hayo xaalufin aad u ba’an.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya