4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 22, 2015
SHIIKH CALI DHEERE: Shaqaalaha QM ma heli doonaan Amaan inta ay Joogaan Soomaaliya


Arbaco, Abriil 22, 2015 (HOL) — Afhayeenka guud ee Al-Shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage (Sh. Cali Dheere) oo ka hadlayay weerarkii Isniintii aynu soo dhaafnay lagu qaaday gaari waday shaqaale ka tirsan kuwa Qaramada Midoobey ee ka howlgala Puntland ayaa sheegay inaysan jirin meel ay ku badbadayso Qaramada Midoobay.

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay hormuud ka tahay duullaanka lagu soo qaaday Somalia, isla markaana aysan shaqaalahoodu marna badbaadi doonin.

“Kuwa sheegta Qaramada Midoobay kuma amni kuma helayaan Somalia inta ay joogaan, waxayna dhadhamin doonaan rasaasteenna” ayuu afhayeenku ku sheegay wareysi uu siiyay uu arbaahinta taageerta Al-shabaab.

Sidoo kale, afhayeenka Al-shabaab wuxuu ka digay in shaqaalaha Qaramada Midoobey ay sii joogaan Somalia, isagoo ku eedeeyay inay qayb ka yihiin dhibaatooyin lagu hayo dadka Soomaaliyeed sida uu wareysigiisa ku sheegay.

Weerarkii ka dhacay Garoowe ayaa waxaa ku dhintay shaqaale Soomaali iyo ajnabi isugu jiray oo u shaqeynayay hay’ada UNICEF ee Qaramada Midoobay; kuwaasoo gaarigii waday qarax lala beegsaday xilli uu doonayay inuu galo dhismaha Qaramada Midoobay ay ku leedahay Garoowe.

Ugu dambeyn, Xarakada Al-shabaab ayaa horay uga mamnuucday inay deegaannada ay ka taliyaan ka howlgalaan hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa samafalka qaarkood oo ay ku eedeeyeen inay basaasiin u yihiin dalalka reer galbeedka, dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

Si kasta ha ahaatee, ma ahan markii ugu horreysay oo ay weerarro kala duwan la beegsato Al-shabaab shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Somalia ku sugan, iyagoo sannad ka hor weeraray dhismaha UNDP ee Muqdisho oo ay ku dileen shaqaale ajaanib iyo Soomaali isugu jiray.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya