4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 22, 2015
Isbahaysiga uu Horkacayo Sucuudiga oo Maanta duqeymo culus ka Geystay Magaalada Ticis


Arbaco, Abriil 22, 2015 (HOL) — Diyaaradaha isbahaysiga uu hoggaaminayo Sucuudiga ayaa duqeyn culus maanta ka geystay magaalada Ticis ee dalka dalka Yemen oo ay maanta xoogagga Xuuthiyiintu qabsadeen, sacaado yar kaddib markii uu Sucuudigu sheegay inay hakiyeen muddo todobaadyo ah duqeymihii ay ka geysanayeen Yemen.

Diyaaradaha dagaalka Isbahaysiga ayaa duqeeyay xarumo ay aroornimadii hore ee maanta ay dagaallo ka dhaceen, kuwaasoo ay la wareegeen xoogag taabacsan Shiicada mucaaradka ah ee Yemen. Iyadoo duqeyntan ay kusoo beegantay xilli ay qaybo badan oo Koonfurta dalka Yemen ka tirsan weli ka socdaan dagaallo u dhexeeya Xuuthiyiinta iyo ciidammo taacsan dowladda Yemen oo ay ku jirto dekedda magaalada Cadan.

Sarkaal Sucuudiga u hadlay ayaa sheegay shalay oo Talaado ahayd in hakad ay geliyeen duqeymihii ay dalka Yemen ku wadeen, kaddib markii ay guulo ka gaareen hadafkoodii oo ahaa inay burburiyaan hub ay Xuuthiyiinta Yemen lahaayeen.

Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa qayb ka ahayd duqynta maanta laga geystay waddanka Yemen. Sidoo kalena dowladda Mareykanka ayaa ku taageera isbahaysiga ay Saudi Arabia hoggaaminayo qalabka iyo sirdoonka.

Boqortooyada Sucuudiga iyo isbahaysiga ay hoggaaminayaan ayaa dhanka kale sheegay in hadafkooda uusan miro-dhal noqon doonin tan iyo inta ay xukunka uga celiyaan dowladda uu hoggaaminayo C/rabbi Haaddi Mansuur oo ay xukunka ka tuureen Xuuthiyiinta weli ka dagaalamaya dalkaas sannadkii lasoo dhaafay.

Sidoo kale, magacii howlgalka isbahaysiga uu hoggaaminayo Sucuudiga oo magaciisu uu u ahaa horay; Weerarkii Adkaa ayaa lagu bedelay magac cusub oo ah; Dib u soo Celinta Rajada.

Maxamed Al-xaaj oo ah xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka Ticis ayaa u sheegay war-baahinta in dagaallo culus ay weli ka dhacayaan Koonfurta dalka Yemen, isagoo sidoo kale sheegay in duqeymo culus loo geystay goobo ay la wareegeen Xuuthiyiinta oo ku yaalla Ticis oo ah magaalada saddexaa ee ugu weyn Koonfurta dalka Yemen.

Dhanka kale, magaalada Cadan ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa ka socday dagaalo culus oo u dhexeeya ciidammo taabacsan dowladii la riday iyo dagaalyahanka Xuuthiyiinta, iyadoo duqeymo ay is-dhaafsanayeen ay ku naf-waayeen boqolaal qof oo reer miyi ah.

“Xoogagga Xuuthiyiintu weli waxay duqeymo culus ku wadaan shacabka,” sidaa waxaa warbaahinta u sheegay dagaalyahan taageersan dowladda Yemen, isagoo intaas ku daray. “Weli kama aysan bixin magaalada Cadan.”

Ugu dambeyn, madaxweynihii hore ee Yemen, Cali Cabdalla Saalax oo hadda taageersan Xuuthiyiinta ayaa soo dhaweeyay baaqa joojinta duqeymaha ee uu soo jeediyay Sucuudiga, isagoo xusay inuu rajeynayo in dhiacyadan oo dhan ay isugu imaan doonaan miiska wadahadallada si xiisadda loo dajiyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya