4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 22, 2015
Ururro ku eedeeyay Dowladda Jabuuti inay lix ruux u Gacan-gelisay Dowladda Mareykanka


Arbaco, Abriil 22, 2015 (HOL) — Ururro aan dowli ahayn ayaa ku eedeeyay xukuumadda Jabuuti inay ku lug leeyihiin afduubka dad la tuhunsan yahay; iyagoo sheegay in lix qof lagu xiray laguna jir-dilay Jabuuti ka hor intii aan loo gudbin xabsiyada dowladda Mareykanka ay ku leedahay dalka Afgaanistaan iyo Guantanamo Bay.

Ururrada oo kala ah isu-tagga cadaaladda, Haki Africa iyo guddiga qareenno oo caalami ah ayaa baaray doorka ay Jabuuti ku lahayd xilligii waddamo ka mid ah kuwa caalamka ay Mareykanka u af-duubayeen dad la tuhusan yahay intii u dhexeysay sannadkii 2001-dii illaa 2008-dii, xilligaasoo uu jiray dagaalka argagixisada ee maamulkii Bush.

Sidoo kale, waxay warbixinadooda ku sheegeen in Jabuuti ay si qarsoodi ah u xireen ugu yaran lix qof oo loo diiday inay la xiriiraan cid kale iyadoo jir-dil lagu sameeyay, si aad u liidatana loola dhaqmay.

Dhibanayaashan ayaa la sheegay inay ahaayeen muwaadiniin kasoo kala jeeda Somaliland, Tanzania, Kenya iyo Yemen ka kala yimid.

Warbixinta oo lagu sheegay in maxaabiistan loo diiday inay qareenadooda la xiriiraan ayaa ku eedeyneysa dowladda Jabuuti inay u ogolaatay nabadsugidda shisheeyaha inay su'aalo weydiiyaan maxaabiista taasoo ah mid jabinaysa qaanuunka caalamiga ah.

Dhanka kale, ururradan ayaa warbixintooda wadajir ah ku xusay baaq ay u jeedinayaan Guddiga Xuquuqda Aadanha Afrika, taasoo ah inay wadahadal la yeesheen Jabuuti si loo go'aansado inta xadgudubka lagula kacay dadkan uu le’eg yahay.

Ugu dambeyn, waxay sheegeen ururradan inay soo bandhigayaan lixda qof magacyadooda iyo halka ay ku dambeeyeen, waxayna ugu baaqeen inay raalli-gelin ka bixiso Jabuuti dhibaatadaas ay geysatay, isla markaana ay mag-dhawna siiso kuwa loo geystay dhibka si loo xaqiijiyo in dacdaradaas aysan mar kale soo laaban.

Warbixintan waxaa baahisay BBC Somali.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya