4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 22, 2015
Ergooyinka ku Qulqulaya Cadaado si ay uga qaybgalaan shirka lagu Dhisayo Maamulka (SAWIRRO)


Arbaco, Abriil 22, 2015 (HOL) — Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud  ayaa waxaa maanta gaaray ergooyin ka kala socda degmooyinka; Guriceel, Dhuusa-mareeb, Cabud-waaq iyo Balanbal oo kawada tirsan gobolka Gal-guduud, kuwaasoo ku biiraya ergooyinka ka qaygalaya shirka Cadaado.

Shrka Cadaado oo socda muddo toddobaad ah ayaa waxaa lagu soo dhisi doonaa maamul ay yeeshaan gobollada Galguduud iyo Mudug; iyadoo ay xilka madaxnimo ee maamulkaas ay isku sharraxayaan murashaxiin fara badan.

Ergooyinkan oo ay kala hoggaaminayeen guddoomiyaha gobolka Galgaduud ee dowladda Somalia, Xuseen Cali Weheliye (Cirfo) iyo Ugaas Axmed Barre Taakoow, iyadoo ay kusoo dhaween Cadaado guddi uu maamulka Ximan iyo Xeeb ay u xil-saaray soo dhaweynta ergooyinka shirka ka qayb-galaya oo isugu jira mas’uuliyiin ka tirsan maamulka, siyaasiyiin iyo xubo kale oo ka tirsan ururrada bulshada rayidka ah.

Guddoomiye Cirfo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shacabka kasoo jeeda labada gobollada Galgaduud iyo Mudug laga doonayo inay sameeyaan abaabul ay ku xoojinayaan midnimadooda si ay ula-jaan qaadaan gobollada kale ee sameystay maamullada dhexe.

Ugu dambeyn, wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa Cadaado ku sugan si ay u dar-dar-geliyaan hab-u-socodka shirka Cadaado si maamul ay leeyihiin gobollada loo dhiso.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya